Weerar Bambaano Oo Ka Dhacay Hodon iyo Howlwadaag iyo Askar lagu Dilay deegaanka Weydoow.

Saturday April 06, 2019 - 09:40:57 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weerar Bambaano Oo Ka Dhacay Hodon iyo Howlwadaag iyo Askar lagu Dilay deegaanka Weydoow.

    Xoogag hubeysan ayaa caawa markale weeraro ku qaaday saldhigyo ciidamo katirsan dowladda Federaalka ay uga sugnaayeen degmooyinka Hodon iyo Howlwadaag ee magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoogag hubeysan ayaa caawa markale weeraro ku qaaday saldhigyo ciidamo katirsan dowladda Federaalka ay uga sugnaayeen degmooyinka Hodon iyo Howlwadaag ee magaalada Muqdisho.



Dad goob joogayaal ah ayaa sheegay in ay maqleen jugta qaraxyo is xig xigay oo ciidamada dowladda lagula beegsaday labada degmo ee deriska ah waa Hodon iyo Howlwadaag, qaraxyada kadib ayaa lamaqlay rasaas ay furayeen ciidamada la weeraray.

Dhinaca kale xoogag katirsan Al Shabaab ayaa caawa maqribkii deegaanka Weydoow ee galbeedka magaalada Muqdisho ku dilay ugu yaraan 2 askari oo katirsan ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya, dadka deegaanka ayaa sheegay in xoogagii dilka geystay ay si nabad gelya ah goobta uga dhaqaaqeen.

 

Dilalka qorshaysan iyo qaraxyada ayaa kusii badanaya gudaha Muqdisho iyo duleedkeeda xilli ammaanka ay adkeeyeen ciidamada dowladda Federaalka waxaana muuqata in weerarada Al Shabaab ay baajin la'yihiin ciidamada isbaheysanaya.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho


Related Items