Qaraxyo Gaadiid looga gubay Ciidamada Kenya iyo AMISOM oo ka dhacay Koonfurta Soomaaliya.

Sunday April 07, 2019 - 09:40:57 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaraxyo Gaadiid looga gubay Ciidamada Kenya iyo AMISOM oo ka dhacay Koonfurta Soomaaliya.

    Khasaara dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ciidamada shisheeye kasoo gaaray qaraxyo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaanno katirsan gobollada Sh/Hoose iyo Jubbada Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khasaara dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ciidamada shisheeye kasoo gaaray qaraxyo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaanno katirsan gobollada Sh/Hoose iyo Jubbada Hoose.



Wararka ka imaanaya deegaannada kulaala xuduud beenaadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya ayaa sheegaya in qarax khasaara dhaliyay lala eegtay ciidamo katirsan gumeysiga Kenya.

Qarax maanta ka dhacay inta u dhaxaysa deegaannada Kulbiyoow iyo Danbalo ayaa sababay dhimashada hal askari Kenyaan ah, ilo wareedyo ayaa sheegaya in qarax miino uu haleelay cagaf cagaf ay isticmaalayeen Melleteriga Kenya waxaana dhintay darawalkii gaariga oo ahaa askari.



Xilligii qaraxu dhacayay ayay cagaf cagafta ciidanka Kenya waxay ku howlaneed xaalufin ay ku heysay dhirta deegaanka Kulbiyoow.
 


Dhinaca kale qarax xooggan ayaa maanta duhurkii kolonyo katirsan ciidamada AMISOM lagula beegsaday inta udhaxaysa deegaannada Siinka dheer iyo Ceelasha Biyaha.

Goob joogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in ugu yaraan hal gaari oo nuuca gaashaaman ah uu ku burburay qaraxa waxaana goobta isku gedaamay ciidamo katirsan AMISOM gaar ahaan kuwa Burundi.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items