Laba Sano oo Kasoo Wareegtay Ka Bixitaankii Ciidamada Itoobiya Ee Magaalada Ceelbuur.

Thursday April 04, 2019 - 09:40:57 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Laba Sano oo Kasoo Wareegtay Ka Bixitaankii Ciidamada Itoobiya Ee Magaalada Ceelbuur.

    Muddo 2 sana ah ayaa kasoo wareegtay xilligii ciidamada Xabashida Itoobiya laga xureeyay magaalada Ceelbuur ee dhacda gobolka Galguduud bartamaha dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muddo 2 sana ah ayaa kasoo wareegtay xilligii ciidamada Xabashida Itoobiya laga xureeyay magaalada Ceelbuur ee dhacda gobolka Galguduud bartamaha dalka Soomaaliya.



Afartii Bishii Apriil sanaddii 2017 maanta oo kale ayay ciidamada gummeysiga Itoobiya isaga huleeleen Ceelbuur kadib hareereyn sedax sanadood qaadatay oo ay kusoo rogtay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin.

Dadka Reer Ceelbuur ayaa magaalada isaga qaxay markii Itoobiyaanku qabsanayeen 26,March sanaddii 2014, faarujinta shacabka ee magaalada ayaa suurta gelisay in hareerayn raagto lagusoo rogo Itoobiyaanka oo ugu dambeyn ku qasbanaaday in ay magaalada isaga cararaan.

 

Laba sanadood kadib isbedello waaweyn ayaa laga dareemayaa magaalada Ceelbuur waxaa dib uga shaqa bilaabay dhammaan adeegyadii bulshada, boqolaal qoys ayaa guryahooda dib ugusoo laabtay sidoo kale waxaa dib loo howlgeliyay xarumihii maamulka iyo goobihii bulshada loogu adeegayay.

Ganacsato iyo dad deegaanka ah ayaa bilaabay in ay dib udayactirtaan guryahooda halka magaalada laga dhisayo guryo cusub arrinkaas oo wax ka bedelay bilicda magaalada Ceelbuur.

Ceelbuur waa magaalo istiraatiiji ah oo taariikh fac weyn leh dadka magaaladan dega ayaa taariikh dahabi ah ku leh halgankii lalasoo galay gumeystihii caddaanka iyo halganka hadda lagula jiro gumeystaha Madoow ee Xabashida.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items