Ciidamo Itoobiyaan ah oo lagu qarxiyay degmada Bardaale iyo Sarkaal ku dhaawacmay Qansaxdheere.

Wednesday April 03, 2019 - 09:40:57 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamo Itoobiyaan ah oo lagu qarxiyay degmada Bardaale iyo Sarkaal ku dhaawacmay Qansaxdheere.

    Wararka ka imaanaya gobolka Baay ee dhaca Koonfurta galbeed dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in weerar khasaara badan lagu gaarsiiyay ciidamada ciidamada Xabashida Itoobiya uu ka dhacay mid kamida degmooyinka gobolkaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka Baay ee dhaca Koonfurta galbeed dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in weerar khasaara badan lagu gaarsiiyay ciidamada ciidamada Xabashida Itoobiya uu ka dhacay mid kamida degmooyinka gobolkaasi.


Maanta barqadii ayuu qarax xooggan qabsaday ciidamo Itoobiyaan ah xilli ay ku socdaalayeen duleedka degmada Bardaale, ilo wareedyo ayaa sheegaya in miino dhulka lagu aasay ay haleeshay ciidamo lugeynayay.

Khasaara dhimasho iyo dhaawac leh ayaa lagusoo warramayaa in ciidamada Itoobiya uu kasoo gaaray qaraxa lala eegtay balse illaa iyo hadda lama oga tirada rasmiga ah ee uga dhimatay qaraxii maanta.

Dhinaca kale sarkaal sare oo katirsan ciidamada maamulka Koonfur galbeed ayaa qarax lagu dhaawacmay xilli uu ku sugnaa gudaha degmada Qansaxdheere.

 

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items