Dowladda Federaalka Oo Ku Dhawaaqday in Xaalad deg deg ah ay gelisay degmooyinka Gobolka Banaadir.

Saturday March 30, 2019 - 07:42:33 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Federaalka Oo Ku Dhawaaqday in Xaalad deg deg ah ay gelisay degmooyinka Gobolka Banaadir.

    Dowladda Federaalka ayaa caawa si rasmi ah ugu dhawaaqday in ay xaalad deg deg ah la geliyay magaalada Muqdisho oo bishaan gudaheeda ay ka dhaceen qaraxyo khasaara badan dhaliyay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Federaalka ayaa caawa si rasmi ah ugu dhawaaqday in ay xaalad deg deg ah la geliyay magaalada Muqdisho oo bishaan gudaheeda ay ka dhaceen qaraxyo khasaara badan dhaliyay.



Cabdi Raxmaan Yariisoow oo ku magacaaban guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho ayaa shir jaraa'id oo uu qabtay ku sheegay in howlgallo adag ay ka bilaaban doonaan degmooyinka gobolka.

Howlgalladan ayuu ku sheegay in lagu sugi doono ammaanka caasimadda isagoo carabaabay in laxirayo waddooyinka waaweyn islamarkaana ciidamada dowladdu ay sameyn doonaan howlgallo raaf ah oo aan loo aaba yeelin.

Cabdi Raxmaan Yariisoow ayaa warbaahinta gudaha ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan xaaladda bandowga ah ayna buun buuniyaan howlgallada ay ciidamadoodu gurguri uga sameyn doonaan degmooyinka gobolka Banaadir.

 

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ugu magacaaban dowladda Farmaajo ma sheegin xilliga uu bandowga bilaaban doono iyo waqtiga laqaadayo.

Tallaabadan ay qaadday xukuumadda Kheyre ayaa timid kadib markii uu faraha ka baxay amniga Muqdisho islamarkaana howlgallada Xarakada Al Shabaab ay si aan horay loo arag ubeegsadeen wadada Makka Al Mukarrama iyo xayndaabka madaxtooyada Villa Somalia.

Waa Bandowgii ugu horreeyay ee lagusoo rogo Muqdisho tan iyo sanaddii 2007 xilligaas oo ciidamadii Xabashida Itoobiya iyo dowladdii Cabdullaahi Yuusuf ay magaalada Bandow Habeen ah saareen muddo sedax bilood ah balse tallaabadaas waxba kama tarin amniga oo xoogagii muqaawamada ayaa sii waday weerarada ay ku beegsanayeen shisheeyaha iyo ciidamada dowladda.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items