Al Shabaab oo Afar Jawaasiis Ah Ku Dishay Degmada Kamsuuma ee Jubbada Hoose.

Saturday March 30, 2019 - 07:42:33 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab oo Afar Jawaasiis Ah Ku Dishay Degmada Kamsuuma ee Jubbada Hoose.

    Fagaare kuyaal degmada Kamsuuma ee gobolka Jubbada Hoose ayaa galabta lagu toogtay rag lagu eedeeyay in ay ubasaasayeen dowlado shisheeye.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Fagaare kuyaal degmada Kamsuuma ee gobolka Jubbada Hoose ayaa galabta lagu toogtay rag lagu eedeeyay in ay ubasaasayeen dowlado shisheeye.



Maxkamadda wilaayada Islaamiga Jubbooyinka ayaa xukun dil ah ku xukuntay illaa 4 Nin oo ukala shaqeynayay sirdoonno caalami ah iyo kuwa maxalli ah.

      Jawaasiista lagu dilay Kamsuuma iyo shaqada ay qabanayeen


1-Aweys ismaaciil Aadan oo 25 sana jir ahaa wuxuu u shaqeynayay sirdoonka dowladda Federaalka Soomaaliya shaqada loo xilsaaray ayaa aheyd in uu gudbiyo lambarrada saraakiisha mujaahidiinta si loo duqeeyo lacag ahaan wuxuu uqaatay 50 dollar

 

2-cilmi Warsame Cumar oo 22 sana jir ahaa wuxuu ushaqeynayay hay'adda lagu magacaabo PSU oo laga leeyahay dalka UK wuxuuna uqaabilsanaa in uu sawirro kasoo qaado deegaanka Booco ee gobolka Hiiraan isagoo sidoo kale waxaa loo xilsaaray in uu diyaarado ku hago saldhigyada mujaahidiinta intii uu shaqeynayay wuxuu qaatay lacag dhan 270 oo dollar.

3-Cumar Cabdullaahi Cabdi oo 28 sana jir ahaa wuxuu la shaqeynayay ciidamada Jabuuti ee ku sugan gobolka Hiiraan gaar ahaan Jalalaqsi iyo Beled Weyne shaqadiisu waxay aheyd in uu diyaarado ku hago mas'uuliyinta wilaayada Hiiraan intii uu shaqeynayay wuxuu qaatay lacag dhan 477 dollar.

4-Maxamuud Abuukar Xaaji oo 25 sana jir ahaa wuxuu la shaqeynayay sirdoonka dowladda Federaalka ee PS-ta loo yaqaan waxay shaqadiisu aheyd in uu jaasuuso saraakiisha mujaahidiinta ee Sh/Hoose.

Related Items