Mid kamida Ergadii Xildhibaanada Kasoo Xulay 'Koonfur Galbeed' oo degmada Afgooye lagu dilay.

Saturday March 30, 2019 - 07:42:33 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mid kamida Ergadii Xildhibaanada Kasoo Xulay 'Koonfur Galbeed' oo degmada Afgooye lagu dilay.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxay Weeraro hubeysan oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxay Weeraro hubeysan oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda.



Xoogag hubeysan ayaa maanta gudaha degmada Afgooye ku dilay mid kamida Ergadii soo xulay xildhibaannada Baarlamaanka dowladda Federaalka ee lagasoo doortay dhanka maamulka isku magacaabay Koonfur galbeed.

Goob joogayaal ayaa sheegay in rag hubeysan ay toogteen Diini Barre Cabdi oo magaalada Baydhabo uga qeyb galay shirarkii lagusoo xulayay xildhibaannada Baarlamaanka ee dhanka Koonfur galbeed kasoo galay baarlamaanka.

Dhinaca kale xoogag hubeysan ayaa weerar Bambaano oo ciidamo katisan dowladda Federaalka ay ku dhaawacmeen ku qaaday xarunta degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho.

 

Xarakada Al Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda dhammaan weerarada ka dhacay degmooyinka Afgooye iyo Yaaqshiid.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho


Related Items