Xildhibaan Katirsan Maamulka Jigjiga Oo Dad Shacab ah Ku dilay Soomaaligalbeed.

Thursday March 28, 2019 - 17:30:34 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan Katirsan Maamulka Jigjiga Oo Dad Shacab ah Ku dilay Soomaaligalbeed.

    Wararka ka imaanaya dhulka Soomaligalbeed ee gummeysiga Itoobiya ku jira ayaa sheegaya in Nin xildhibaan ah uu toogasho ku dilay dad shacab ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya dhulka Soomaligalbeed ee gummeysiga Itoobiya ku jira ayaa sheegaya in Nin xildhibaan ah uu toogasho ku dilay dad shacab ah.



Toogasho ka dhacday deegaanka Jarati ee gobolka Afdheer ayaa sababay dhimashada ugu yaraan 2 qof shacab ah iyo dhaawac soo gaaray qof kale.

Sida ay sheegeen dadka deegaanka sarkaal horay uga tirsanaa maamulkii Cabdi ileey ayaa toogtay laba qof shacab ah oo uu kala dhaxeeyay murun ku saabsan lahaanshiyaha dhul beereed.

Bashiir Diiriye oo kamid ah xildhibaannada maamulka dabadhilifka ee fadhigiisu yahay magaalada Jigjiga ayaa dilay dadkii uu murunku kala dhaxeeyay, Ninkan xildhibaanka ah ee shacabka dilay ayaa caan ku ah isticmaalka Maandooriyaha sida qamriga iyo xashiishadda.

 

Sanadadii uu talada hayay Cabdi Ileey ayuuBashiir Diiriye kamid ahaa saraakiisha maleeshiyaadka arxanlaawayaasha Liyuu Booliska oo caan ku ahaa gummaadka shacabka ku dhaqan deegaannada Soomaaligalbeed.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho


Related Items