Sawirro: Wilaayada Jubbooyinka Oo Buunddo ka dhistay degmada Salagle.

Thursday March 28, 2019 - 17:30:34 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirro: Wilaayada Jubbooyinka Oo Buunddo ka dhistay degmada Salagle.

    Wilaayaadka islaamiga ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya waxaa ka jira horumar kala duwan oo aad u ballaaran kuwaas oo lagu helay ku dhaqanka Shareecada islaamka iyo iska caabinta Shisheeyaha duullaanka soo qaaday.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wilaayaadka islaamiga ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya waxaa ka jira horumar kala duwan oo aad u ballaaran kuwaas oo lagu helay ku dhaqanka Shareecada islaamka iyo iska caabinta Shisheeyaha duullaanka soo qaaday.



Wilaayada islaamiga ee Jubbooyinka waxay muddooyinkii lasoo dhaafay ku tallaabsaneysay horumar dhinacyo badan oo muuqda kadib iskaashi dhab ah iyo isgarab taag rasmi ah oo dhexmaray maamulka islaamiga iyo dadka shacabka ah ee degan Wilaayada.

Degmada Salagle waxaa dhowaan lagu soo afjaray dhismaha buunddo weyn oo dhexmarta magaalada waxaana goobta laga dhisay buundada oo biyo mareen aheyd ku dhib qabay dadka deegaanka.


Kadib iskaashi dhexmaray Wilaayada iyo dadka Salagle waxaa lagu guuleystay in la taago buunddo adag oo ay si isku mid ah u adeegsan karaan dadka iyo gaadiidka islamarkaana isku xireysa xaafadaha kala duwan ee Salagle.

Waaliga wilaayada islaamiga ee Jubbooyinka Sheekh Muxamad Abuu Cabdalla oo ka hadlay munaasabad ka dhacday Salagle laguna daah furayay buundada ayaa sheegay in arrinkan uu ku yimid iskaashi iyo tacaawun dhexmaray wilaayada iyo shacabka wuxuuna u mahad celiyay Allaah kadibna dadka deegaanka ee gacan ka geystay dadaalkan.

Sheekh Abuu Cabdalla, wuxuu shaaca ka qaaday in buundada loogu magacdaray istish-haadi fuliyay camaliyad nafhurnimo oo kasoo jeeda Salagle, laguna magacaabo Saalax Salagle.

Soomaalidu waxay tiraahdaa iskaashato ma kufto islaamkuna wuxuu amaanay midnimada iyo wadajirka, gacmana wadajir bay wax ku gooyaan waxayna umaddu ka maarmeysaa in ay u gacan hoorsato cadowgeeda haddii ay isku tiirsato islamarkaana iskaashato, waana sida hadda ka jirta wilaayaadka islaamiga ee Soomaaliya.

Hoos ka daawo Sawirro aan kasoo qaadnay Buundada ay Wilaayada Jubbooyinka ka dhistay Salagle.










 

Related Items