Dhageyso: Sheekh Qardhaawi oo laga wareystay ilaallo loo sameeyay Masaajida Maraykanka.

Tuesday March 26, 2019 - 07:05:16 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhageyso: Sheekh Qardhaawi oo laga wareystay ilaallo loo sameeyay Masaajida Maraykanka.

    Iyadoo laba jimco ay kasoo wareegatay markii weerar dhiig badan uu ku daatay lagu qaaday laba masjid oo ku yaalla dalka New Zealand ayaa waxay cabsi ka jirtaa in weeraro ay la kulmaan masaajida ku yaalla qaaradaha Yurub iyo Ameerika.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Iyadoo laba jimco ay kasoo wareegatay markii weerar dhiig badan uu ku daatay lagu qaaday laba masjid oo ku yaalla dalka New Zealand ayaa waxay cabsi ka jirtaa in weeraro ay la kulmaan masaajida ku yaalla qaaradaha Yurub iyo Ameerika.



Kooxo Cunsuriyiin ah oo ay ku fogaatay islaam nacaybka ayaa handadaad ku haya Muslimiinta.

Sheekh Cabdi Qani Qardhaawi oo ku sugan dalka Maraykanka imaamna ka ah masjidka Alshaafici ee ku yaala dalkaasi ayaa wareysi uu siiyay idaacadda alfurqaan wuxuu kaga hadlay heerka islaamka nacaybka uu ka gaaray dalka Mareykanka.

Wuxuu xusay in wixii ka dambeeyay doorashadii Donald Trump ay dhiira gelin iyo taageero heleen dadka ku fakarka ah madaxweynaha Maraykanka oo aanan la ganban xiqdiga uu uhayo islaamka iyo ehelkiisa.



 

Cabdiqani ayaa xusay in Masaajida qaar loo sameeyay ilaallo waardiye ka ah Muslimiinta ku tukanaya Masaajida.

Halkan ka dhageyso wareysiga Sheekh Cabdi qani Qardhaawi

Xigasho: Idaacadda Alfurqaan

Related Items