Ciidamo Katirsan Maamulka Koonfur Galbeed oo ku dhintay Duleedka Baydhabo.

Wednesday March 13, 2019 - 06:54:37 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamo Katirsan Maamulka Koonfur Galbeed oo ku dhintay Duleedka Baydhabo.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax maleeshiyaad katirsan maamulka isku magaacaabay Koonfur galbeed lagula beegsaday deegaan katirsan gobolka Baay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax maleeshiyaad katirsan maamulka isku magaacaabay Koonfur galbeed lagula beegsaday deegaan katirsan gobolka Baay.

Wararka ka imaanaya deegaanka Goofguduud Buureey oo qiyaastii 30Km ujira magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in ugu yaraan 7 askari ay ku dhinteen qarax miino oo ciidamada Koonfur galbeed lagula eegtay goob isku imaatin ah.

Dadka deegaanka aya sheegay in qaraxu uu sababay dhimasho iyo dhaawac farabadan oo gaaray ciidamadii ku sugaa goobta isku imaatinka ah waxaana loo badinayaa in qaraxani uu ka dhashay miino dhulka lagu aasay.

Wararka ayaa intaas ku daraya in markii uu qaraxu dhacay kadib ay ciidamada maamulka Koonfur galbeed ay rasaas ku fureen suuqa xoolaha lagu iibiyo ee deegaanka Goof Guduud buuray waxaana rasaastaas ku dhaawacmay dad shacab ah.

 

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items