Saraakiil Katirsan Dowladda Oo lagu dilay degmooyinka Hodon iyo Afgooye.

Wednesday March 13, 2019 - 06:40:23 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saraakiil Katirsan Dowladda Oo lagu dilay degmooyinka Hodon iyo Afgooye.

    Weeraro qorshaysan oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda ayaa sababay dhimashada saraakiil katirsanaa dowladda Federaalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Weeraro qorshaysan oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda ayaa sababay dhimashada saraakiil katirsanaa dowladda Federaalka Soomaaliya.



Wararka ka imaanaya degmada Afgooye ayaa sheegaya in xoogag hubeysan oo katirsan Xarakada Al Shabaab ay xalay fiidkii gudaha degmadaas ku dileen sarkaal sare oo katirsanaa ciidamada dowladda.

Dad ku suga Afgooye ayaa warbaahinta u sheegay in xoogag hubeysan ay dileen sarkaal sedax xidigle ah kadibna ay goobta si nabad gelya ah uga dhaqaaqeen.

Dhinaca kale weerar ka dhacay xaafadda Gaheyr ee degmada Hodon ayaa sababay dhimashada sarkaal katirsanaa dowladda Federaalka oo magaciisa lagusoo gaabiyay Yaasiin Max'med.


 

Xarakada Al Shabaab ayaa sare uqaadday weerarada ay ku beegsanayso askarta iyo saraakiisha dowladda Federaalka ee ku sugan degmooyinka Gobolka Banaadir iyo deegaannada ku dhow.

 

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items