Baarlamaanka Ingiriiska Oo Markale ka Caraysiiyay Theresa May iyo Midowga Yurub.

Wednesday March 13, 2019 - 06:40:23 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Baarlamaanka Ingiriiska Oo Markale ka Caraysiiyay Theresa May iyo Midowga Yurub.

    Dowladda Ingiriiska ayaa markale ku guul darraysatay in ay xal uhesho qorshaha ay uga baxayso Ururka Midowga Yurub.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Ingiriiska ayaa markale ku guul darraysatay in ay xal uhesho qorshaha ay uga baxayso Ururka Midowga Yurub.


Kulan uu baarlamaanka Britain ku yeeshay magaalada London ayuu cod aqlabiyad leh ku diiday in xukuumadda Theresa May heshiis uga baxdo Ururka Midowga Yurub.

Boqolaal xildhibaan ayaa diiday in dowladoodu heshiis lagasho Midowga Yurub kadibna ay isaga baxdo, Theresa May oo hadlaysay ayaa sheegtay in ay aad uga xumaatay diidmada katimid baarlamaanka.

Guddoomiyaha Ururka Midowga Yurub ayaa isna sheegay in uu aad uga walaacsanyahay dhawaqa kasoo yeeray magaalada London, Midowga Yurub wuxuu doonayaa in dowladda Ingiriiska ay heshiis buuxa uga baxdo Ururka si masaalixda labada dhinac usii jiraan.

 

Xildhibaannada mucaaradka Ingiriiska ayaa aad udiidan in heshiis buuxa looga baxo Midowga Yurub waxayna doonayaan in Britain iyadoo wax shuraad ah aan lagu xirin ay Ururka ka baxdo.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items