Sedax Qof Shacab ah oo siyaaba kala duwan loogu dilay Gobolka Sh/dhexe.

Sunday March 10, 2019 - 12:40:52 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sedax Qof Shacab ah oo siyaaba kala duwan loogu dilay Gobolka Sh/dhexe.

    Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha dhexe ayaa sheegaya in askari katirsan ciidamada dowladda uu si bareer ah fal dil ah ugu geystay qof shacab ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha dhexe ayaa sheegaya in askari katirsan ciidamada dowladda uu si bareer ah fal dil ah ugu geystay qof shacab ah.

Goob joogayaal ku sugan deegaanka Ceelmacaan ee duleedka Muqdisho ayaa warbaahinta u sheegay in askari katirsan ciidamada dowladda uu toogasho ku dilay haweenay lagu magacaabi jiray Naciimo Axmed.

Haweenayda ladilay ayaa askariga ka codsatay in uu siiyo lacago dayn ah oo ay ku laheyd, askariga dilka geystay ayaa goobta isaga baxsaday wuxuuna katirsanaa ciidamada Melleteriga.

Dilka kadib ayay boqolaal qof shacab ah oo ku dhaqan deegaanka Ceelmacaan waxay dhigeen dibad bax ay ugasoo horjeedaan falkaasi foosha xun.

 


Dhinaca kale ugu yaraan laba qof shacab ah ayaa lagu dilay weerar hubeysan oo ka dhacay deegaan ku dhow degmada Balcad.

Deegaanka Mukay Dheere ayaa la sheegay in laba wiil dhalinyar ah qaab aana qabiil ah loogu dilay, barakac ay sameynayaan dadka deegaanka ayaa lagasoo calaamadeeyay duleedka degmada Balcad.

Related Items