Dowladda Uganda oo ku hanjabtay in Ciidamadeeda ay kala bixi doonto Soomaaliya haddii cadaadis lasaaro.

Sunday March 10, 2019 - 15:40:52 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Uganda oo ku hanjabtay in Ciidamadeeda ay kala bixi doonto Soomaaliya haddii cadaadis lasaaro.

    Dowladda Uganda ayaa markale ku hanjabtay in ciidamadeeda ay si dhammeystiran ugala bixi doonto dalka Soomaaliya haddii Q.Midoobay ay soo saarto qaraar ay ku dhimmeyso ciidamada Uganda ee dalka ku sugan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Uganda ayaa markale ku hanjabtay in ciidamadeeda ay si dhammeystiran ugala bixi doonto dalka Soomaaliya haddii Q.Midoobay ay soo saarto qaraar ay ku dhimmeyso ciidamada Uganda ee dalka ku sugan.

Yoweri Musevenioo ah madaxweynaha Uganda ayaa markii ugu horraysay soo hadal qaaday wararka sheegaya in sanadka soo socda 1000 askari oo dalkiisa ka socda laga saari doono Soomaaliya.

"Golaha Amaanka way noosoo jeediyeen in aan dhinno Ciidankeena ku sugan Soomaaliya waxaanse u sheegay in xitaa hal askari aan la saareynin oo ay wada joogayaan ama dhamaantood baxayaan” ayuu yiri madaxweynaha Uganda.
 

Wuxuu umuuqday in uu aad ugasoo horjeedo qorshaha lagu dhimayo kumanaanka askari ee magaca UN-ka ku jooga dalka Soomaaliya, dowladda Burundi ayaa horay udiiday in kun askari oo ciidamadeeda katirsan laga saaro Soomaaliya waloow markii dambe ay ogolaatay.


Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Burundi ay dalka ka saartay 400 askari balse wali ay harsanyihiin illaa 600 oo askari waxaana lafilayaa in isbuucyada soo socda laga saaro Sh/dhexe.

Ururka Midowga Afrika ayaa horay u sheegay in qaraarka ciidamada looga saarayo Soomaaliya uu yahay go'aan Q.Midoobay ay soo saartay fulintiisana ay tahay mid muhiim ah, dowladaha Uganda iyo Burundi ayaa qaab calooshood ushaqeystanimo lacago malaayiin dollar ah uga sameeya ciidamadooda duullaanka ku jooga Soomaaliya.

SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items