Diyaarad ay la socdeen 157 Qof Oo Ku Burburtay Duleedka Magaalada Addis Ababa.

Sunday March 10, 2019 - 12:27:46 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Diyaarad ay la socdeen 157 Qof Oo Ku Burburtay Duleedka Magaalada Addis Ababa.

    Wararka ka imaanaya wadanka Itoobiya ayaa sheegay in ay burburtay diyaarad rakaab ah oo ay la socdeen ku dhowaad 160 qof rakaab ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya wadanka Itoobiya ayaa sheegay in ay burburtay diyaarad rakaab ah oo ay la socdeen ku dhowaad 160 qof rakaab ah.


Warbaahinta maxalliga ah ayaa sheegtay in ay burburtay diyaaradda oo nuuceedu yahay Boeing 737 waxayna kusii jeeday dhanka magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.

Diyaaradda ayaa laga waayay shaashadaha Raadaarka ee laga hago diyaaradaha 6 daqiiqo kadib markii ay ka duushay garoonka diyaaradaha magaalada Addis Ababa sida ay sheegeen saraakiisha waaxda socdaalka dowladda Itoobiya.


Waxaa loo badinayaa in ay dhinteen dhammaan dadkii diyaaradda saarnaa oo kala ahaa 149 rakaab ah iyo 8 kamid ah shaqaalaha shirkadda Ethiopian Airlines.

Warar hordhac ah waxay sheegayaan in diyaaraddu ku dhacday deegaankaBeshfu oo qiyaastii 50Km dhanka Koonfur Bari uga beegan magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya, illaa iyo hadda lama sheegin sababtay keentay in diyaaraddu dhulka ku dhacdo.

Related Items