Yoweri Museveni " Askarigii Dulmi iyo Xadgudub Raba hanaga codsado in aan udirno Soomaaliya"!

Saturday March 09, 2019 - 07:55:20 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Yoweri Museveni " Askarigii Dulmi iyo Xadgudub Raba hanaga codsado in aan udirno Soomaaliya"!

    Madaxweynaha dalka Uganda ayaa si yaab leh uga hadlay dhacdo uu mid kamida Jeneraallada wadankaas kula kacay haweenay kamid ah saraakiisha ciidamada ilaalada waddooyinka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha dalka Uganda ayaa si yaab leh uga hadlay dhacdo uu mid kamida Jeneraallada wadankaas kula kacay haweenay kamid ah saraakiisha ciidamada ilaalada waddooyinka.



Yoweri Museveni oo khudbad ka jeedinayay shir looga hadlayay arrimaha qaxootiga wadamada ku teedsan mandiqadda Harooyinka qaaradda Afrika oo khamiistii lasoo dhaafay ka furmay magaalada Kampala ayaa ugu baaqay askartiisa uciil qaba xadgudubka dumarka in ay isdiiwaan geliyaan si loogu diro Soomaaliya.

"Dhowwaan Jeneraal howlgalgab ayaa dharbaaxo ku dhuftay haweenay kamid ah ciidamada Booliska, dhammaan arrinkaas dadku waa ka qeyliyeen hadda Jeneraalkii falkaas geystay wuxuu wajahayaa qaanuunka, war haddii aad tahay Nin careysan oo ciil uqaba falal cadowtooyo naga codso in aan kuu dirno Soomaaliya halkaas ayaa looga baahanyahay falal cadowtooyo iyo xadgudubyo" ayuu yiri Yoweri Museveni.



Madaxweynaha dalka Uganda ayaa u sheegay ciidamadiisa in aan laga aqbali karin ku xadgudubidda dumarka Yugaandheyska ah balse taas bedelkeed wuxuu farta ugu fiiqayay in askarta u ooman xadgudubka dumarka uu udirayo Soomaaliya si halkaas ay ugu kufsadaan dumarka Soomaaliyeed.

Qisada Sarkaaladda ladharbaaxay.

Bishii lasoo dhaafay Jeneraal Gen Kyaligonza oo ah safiirka Uganda ufadhiya wadanka Burundi ayaa dharbaaxo ku dhuftay haweenay katirsan saraakiisha ciidanka Booliska gaar ahaan qeybta Taraafikada magaalada Seeta ee dalka Uganda.

Falkaas ayaa dhaliyay dibad baxyo rabshada wata oo dadka magaalada Seeta ugasoo horjeedeen xadgudubka uu geystay Jeneraal Kyaligonza oo lagu tiriyo saraakiisha ay isku dhowyihiin Museveni.

Wareegto madaxtooyo ayaa xilkii uu hayay looga xayuubiyay Jeneraalka waxaana laga hakiyay shaqadii diblumaasiyadeed ee uu u hayay dowladda Uganda.

Farriin nuucee ah ayey u tahay shacabka Soomaalida?

Madaxweynaha dowladda Uganda oo ah baadari caan ka ah kaniisadaha wadankaas wuxuu mas'uul ka ahaa gummaad ay ciidamadiisu ugeysteen kumanaan kun shacab Soomaaliyeed ah.

Hadalka uu jeediyay wuxuu caddeyn muuqata uyahay in ciidamada Uganda usoo dirtay Soomaaliya ay yihiin kuwa lagulasoo dardaarmay xasuuqa shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan ku xadgudbidda dumarka wuxuuna warkaan meesha ka saarayaa sheegashada AMISOM ee ah in ciidamadoodu ay ilaaliyaan waxa loogu yeero xuquuqul insaanka.

Ciidamada Uganda ee duullaanka ku jooga dalka Soomaaliya badankod waa wacallo lagasoo aruuriyay Kaniisadaha wadanka waxayna horay usoo geysteen falal dambiyeedyo iyo gummaad shacab, kooxaha mucaaradka ayaa horay ugu eedeeyay xukuumadda Kampala in ay Soomaaliya udirtay qaar kamid ah maleeshiyaadkii dagaal oogayaasha ee qeybta ka ahaa jabhadii LRA.

Baadari Museveni ayaa caan ku ah bahdilka dowladda Federaalka ee dabadhilifadda u ah dowladaha shisheeye ee duullaanka kusoo qaaday dalka Soomaaliya, daba yaaqadii sanaddii lasoo dhaafay ayuu sheegay in Soomaaliya uu yahay dal aan dowlad laheyn hadalkaas oo si toos ah uu ugu weerarayay dowladda Farmaajo ee taakta daran.

Xigasho: Waregeyska The Monitor Uganda


SomaliMeMo,Muqdisho

 

 

Related Items