Maamulka Somaliland Oo Sheegay in Farmaajo uu garwaaqsaday Kaalinta maamulkaasi ku leeyihiin Geeska Afrika.

Wednesday March 06, 2019 - 08:42:16 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maamulka Somaliland Oo Sheegay in Farmaajo uu garwaaqsaday Kaalinta maamulkaasi ku leeyihiin Geeska Afrika.

    Maamulka isku magacaabay Somaliland ayaa xaqiijiyay in Max'med Cabdullaahi Farmaajo hoggaamiyaha dowladda Federaalka uu ka tanaasulay cadaadiskii dhanka siyaasadda ahaa ee uu ku hayay maamulka Hargeysa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulka isku magacaabay Somaliland ayaa xaqiijiyay in Max'med Cabdullaahi Farmaajo hoggaamiyaha dowladda Federaalka uu ka tanaasulay cadaadiskii dhanka siyaasadda ahaa ee uu ku hayay maamulka Hargeysa.


Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Maamulka Muuse Biixi madaxda ka yahay ayaa lagu sheegay in socdaalkii uu Farmaajo shalay ku tagay magaalada Addis Ababa uu ku garwaaqsaday in uu aqoonsado kaalinta maamulka Somaliland uu ku leeyahay sida hadalka loo dhigay.

"Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxay soo dhawayneysaa sida Maamulka Farmaajo u garwaaqsadey in ay Somaliland tahay Dawlad Kaalin muhiim u ah kaga jirta Arimaha Gobolka Gaar ahaan dhinacyada Nabad galyada iyo Horumarka Dhaqaalaha ee Gobolka oo aan indhaha laga lalin karin marnaba, isla Markaana uu Aqbalay in aanu Soo Faro Galin Xidhiidhka Soo jireenka ah ee Somaliland iyo Ethiopiaā€¯ayaa lagu yiri War saxaafadeedka.

 

Abiy Axmed R/wasaaraha Xabashida Itoobiya ayaa ku amray Farmaajo in uu si ka duwan maamul goboleedyada kale ula dhaqmo maamulka isku magacaabay 'Somaliland' taas oo macnaheedu tahay in dowladda Federaalka aysan wax cadaadis ah saari karin maamulka Hargeysa.

Tan iyo markii ay hoggaanka DF-ka la wareegeen Farmaajo iyo Kheyre ayay isku muujinayeen in dowladda Itoobiya ay ka xigsadaan dhanka Itoobiya balse waxaa muuqata in Addis Ababa oo Soomaaliya gumeysata ay kala canaanatay hoggaamiyaasheeda dabadhilifyada ah ee ay ku leedahay gudaha dalka.

SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items