Abiy Axmed Oo Sheegay in uu Farmaajo kala hadlay Heshiiskii Dekadaha Soomaaliya Kadibna ugelbiyay Kenya [Warbixin].

Tuesday March 05, 2019 - 11:42:20 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Abiy Axmed Oo Sheegay in uu Farmaajo kala hadlay Heshiiskii Dekadaha Soomaaliya Kadibna ugelbiyay Kenya [Warbixin].

    Dowladda Xabashida Itoobiya ayaa faah faahin dheeri ah ka bixisay waxyaabaha ay kala hadashay Farmaajo hoggaamiyaha dowladda Federaalka oo socdaal ku tagay Addis Ababa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Xabashida Itoobiya ayaa faah faahin dheeri ah ka bixisay waxyaabaha ay kala hadashay Farmaajo hoggaamiyaha dowladda Federaalka oo socdaal ku tagay Addis Ababa.

 



Abiy Axmed oo ah R/wasaaraha Itoobiya ayaa war qoraal ah oo uu soo dhigay bartiisa Twitterka ku sheegay in Farmaajo uu kala hadlay illaa Afar qodob waxaana ugu muhiimsanaa, " sii wadidda horumarinta heshiiskii dekad wadaagga ahaa".


Qodobkaas ayaa ah dhaqan gelinta heshiiskii Afarta Dekadood ee Farmaajo uu usaxiixay dowladda Itoobiya waxaana meel sare gaaray damaca Itoobiya ee ah in ay lawareegto illaa afa dekadood oo dhaca xeebaha Badda Cas iyo Badda Hindiya ee dalka Soomaaliya.


 

Dhinaca kale Farmaajo iyo Abiy Axmed ayaa caawa maqribkii u dhoofay magaalada Nairobi ee dalka Kenya waana isku day ay xukuumadda Addis Ababa ku doonayso in ay iskusoo dhoweyso DF-ka iyo Kenya oo xiriirkoodu go'ay bishii lasoo dhaafay.


Itoobiya iyo Kenya oo labaduba damac weyn uga jiro Barriga iyo Badda Soomaaliyeed ayaa doonaya in ay DF-ka ku sasabaan yagleelidda xiriir aan dhammaad laheyn sida waxa ay ugu yeereen "Abuurista dowlad mideysan oo bariga Afrika yeesho".


Suldaan Garyare oo kamid ah waxgaradka Soomaaliyeed ee sida aadka ah ula socda isbedellada geeska Afrika ahna taariikhyahan ayaa qoraal uu bartiisa Facebook-ga soo dhigay wuxuu uga hadlay sababta keentay in Farmaajo wax aan ka badneyn 35 maalmood uu afar jeer safar ku tago magaalada Addis Ababa.

SOO NOQNOQOTAYE MA NAQ BAA U DA'AY?.

Waxa muddo ka yar ama ku siman bil ama dhowr tadobaad Addis Ababa ku noqnoqonaya Farmaajo oo aad mooddo in naqi uga da'ay, waxaase isweydiin mudan Addis Ababa ma xajkii ama cimradii qolyahan horjoogayaasha maamullada Soomaaliya ka ah baa? Waxaase la huba in uusan midna xarig xoolo ku jiraan ka la soo noqon bahdil iyo ceeb mooyee, waxaana Soomaalidu ku maahmaahdaa "Hargo maran side habaarna u dheer"


SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items