Duufaan sababtay dhimashada 22 Qof American ah oo ka dhacday Gobolka Alabama.

Tuesday March 05, 2019 - 11:42:20 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Duufaan sababtay dhimashada 22 Qof American ah oo ka dhacday Gobolka Alabama.

    Khasaara lixaad leh ayaa ka dhashay duufaanno hor leh oo ku dhuftay wadanka Mareykanka ee dhaca waqooyiga qaaradda amerika.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khasaara lixaad leh ayaa ka dhashay duufaanno hor leh oo ku dhuftay wadanka Mareykanka ee dhaca waqooyiga qaaradda amerika.


Wararka ka imaanaya gobolka Alabama ayaa sheegaya in tobanaan qof ay ku dhinteen duufaan si xwolli ah ku socota.

Jay Jones oo ah taliyaha booliska mandiqadda Lee County ee gobolka Alabama ayaa warbaahinta u sheegay in dad ka badan 22 qof oo carruur iyo haween kamid yihiin ay dhinteen kadib markii duufaantu ay cagta marisay magaalooyin iyo tuulooyin.

Wuxuu sheegay in duufaantan oo soo bilaabatay maalintii Axadda ay kufidayso dhul hor leh waxayna burburisay boqolaal guri, isagoo uwarramayay shabakadda CNN-ka ayuu sheegay in caqabada waaweyn ay dareemayaan ciidamada gurmadka degdegga ah.



 

Wararku waxay sheegayaan in duufaantu ay xidda siibayso geedaha waaweyn taas oo sababtay in waddooyinku go'aan islamarkaana guryo badan ay burburaan.

Xarumaha caafimaadka gobolka Alabaama waxaa ladhigay dad ka badan 40 qof oo dhammaantood ku dhaawacmay duufaanta, qaar kamid ah dhaawacyada dadka ayay xaaladoodu liidataa waxaana loo gudbiyay gobollada kale ee Mareykanka.

Sanad walba duufaanno laayaan ah ayaa ku dhuftay gudaha wadanka mareykanka waxayna duufaanadaasi sababaan dhimasho iyo dhaawac iyo burbur hantiyadeed

Related Items