Dagaalka oo ku fiday dhismayaal ku hareeraysan Makka Al Mukarrama iyo Al Shabaab oo War cusub soo saartay.

Friday March 01, 2019 - 11:36:56 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dagaalka oo ku fiday dhismayaal ku hareeraysan Makka Al Mukarrama iyo Al Shabaab oo War cusub soo saartay.

    Waxaa sii xoogeystay dagaalkii cuslaa ee xalay ka bilaawday wadada Makka Al Mukarrama ee magaalada Muqdisho halkaas oo ay ku yaallaan xarumo dowladeed iyo kaabayaal kale oo muhiim u ah dowladda Federaalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa sii xoogeystay dagaalkii cuslaa ee xalay ka bilaawday wadada Makka Al Mukarrama ee magaalada Muqdisho halkaas oo ay ku yaallaan xarumo dowladeed iyo kaabayaal kale oo muhiim u ah dowladda Federaalka Soomaaliya.


Dagaal culus ayaa lagasoo sheegayaa Hotelka Makka Al Mukarrama iyo dhismayaasha ku dhow, war cusub oo goordhow kasoo baxay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayay ku sheegtay in ciidamadeedu ay wali ka dagaallamayaan gudaha Hoteelka islamarkaana uu ku fiday dhismayaal hor leh oo kuyaal hareeraha Makka Al Mukarrama.

Al Shabaab waxay sheegtay in ciidamadeedu ay maanta barqadii dileen sedax askari oo katirsanaa maleeshiyaadka dowladda Federaalka ee sida gaarka ah utababaran "Mujaahidiintu wali waxay wadaan camaliyaddii barakeysneed goordhow waxay toogasho ku dileen 3 katirsan maleeshiyaadka Murtadiinta qoryihiin ay wateen oo qaarkood M16 ahaana waa ka furteen, dagaalkuna wuxuu ku fiday dhismayaasha ku hareeraysan Hoteelka Makka Al Mukarrama" ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab.

 

Dagaalka ayaa socda wax kabadan 17 saacadood xiriir ah saaka ayay aheyd markii xoogaga Al Shabaab ay gudaha Hoteelka ku dileen sedax askari hubkii ay wateena ka furteen.

SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items