Diyaaradaha Mareykanka Oo Dad shacab ah ku dilay duqeymo ay ka geysteen Deegaanno katirsan gobolka Sh/hoose.

Sunday February 24, 2019 - 06:30:57 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Diyaaradaha Mareykanka Oo Dad shacab ah ku dilay duqeymo ay ka geysteen Deegaanno katirsan gobolka Sh/hoose.

    Habeenkii xalay ayay diyaaradaha Maraykanka waxay duqeymo culus ka fuliyeen deegaanno katirsan gobolka Shabeellaha hoose, halkaas oo ay ku dhinteen, kuna dhaawacmeen dhowr ruux oo shacab ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Habeenkii xalay ayay diyaaradaha Maraykanka waxay duqeymo culus ka fuliyeen deegaanno katirsan gobolka Shabeellaha hoose, halkaas oo ay ku dhinteen, kuna dhaawacmeen dhowr ruux oo shacab ah.


Deegaanka Kuunya-barrow ee gobolka Shabeellaha hoose ayay duqeymaha ugu badan ka dhaceen, waxaana duqeymahaas ku dhintay ugu yaraan 3 ruux oo ay kujirto gabar yar oo dhalan 20 cisho, macallin dugsi Quraan iyo qof kamid ah dadka deegaanka.

Sidoo kale waxaa duqeymahan ku dhaawacmey 2 ruux oo kale, kuwaas oo hadda xaaladooda lagula tacaalayo xarumaha caafimaadka ee deegaanka Kuunya Barrow.

Diyaradaha Maraykanka waxay dhinac kale duqeymo kuwan lamid ah ka fuliyeen Jannaale iyo deegaanka Dacaaraha oo dhamaantooda katirsan gobolka Shabeellaha hoose, inkastoo aysan nasoo gaarin warar la xiriira khasaaraha ka dhashey duqeymahaas.



 

Maraykanka ayaa qeybo kamid ah koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya wuxuu u aqoonsaday aag dagaal oo ay banaan tahay in dadka shacabka ah lagu xasuuqo, waxaana shacabka Soomaaliyeed ay walaac ka muujiyeen arrinkaas.

Dhowr jeer oo hore ayaa diyaaradaha Maraykanka waxay duqeymo ay ka fuliyeen deegaanno dhaca koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya waxaya ku dileen dad shacab ah, iyagoona ku tilmaamay iney yihiin dagaalyahanno katirsan Xarakada Al-Shabaab.

Isha Warka: Idaacadda Alfurqaan


Related Items