Al Shabaab Oo Sheegatay Mas'uuliyadda Weerar Lagu Dilay Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqorre.

Saturday February 23, 2019 - 06:30:57 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab Oo Sheegatay Mas'uuliyadda Weerar Lagu Dilay Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqorre.

    Rag hubeysan oo ka tirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa magaalada Muqdisho ku khaarijiyay xildhibaan ka tirsan baarlamaanka DFS ee uu hoggaamiyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Rag hubeysan oo ka tirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa magaalada Muqdisho ku khaarijiyay xildhibaan ka tirsan baarlamaanka DFS ee uu hoggaamiyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.


Dilkan oo ka dhacay degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho ayaa lagu dilay Cusmaan Cilmi Boqore oo ahaa xildhibaan ka tirsanaa DFS, waxaana la sheegay in ragga weerarka fuliyay ay si nabadgalyo ah kaga baxsadeen halka uu weerarku ka dhacay.

Xildhibaan Boqore ayaa sidoo kale horay u soo noqday gudoomiye ku xigeenkii labaad ee Baarlamaankii dowladdii Xasan Sheekh Maxamuud isagoo sidoo kale dowladdii Cabdullaahi Yuusuf ka ahaa guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka.
 


Sarkaal ka tirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa Idaacada Andalus u sheegay in ay howlgal qorsheysan ku dileen xildhibaan Cusmaan Cilmi Boqore isagoona tilmaamay in ciidamada howlgalkaas fuliyay ay si nabadgalyo ah uga soo dhaqaaqeen halka uu howlgalku ka dhacay.

Xarakada Al-Shabaab ayaa horay u khaarijisay tobanaan katirsan xildhibaanada DFS waxayna ku goodisay in ay meelwaliba ku beegsan doonto xubnaha golahaas oo ay u aragto kuwo dajiyay sharci khilaafsan midka Islaamka islamarkaana dalka kusoo hoggaamiyey ciidamo shisheeye.

Weerarkan ayaa qeyb ka ah dilalka qorshaysan ee bilihii lasoo dhaafay kusoo badanayay degmooyinka gobolka Banaadir waxaana weeraradaas lagu beegsanayaa askarta iyo saraakiisha dowladda Federaalka Soomaaliya waxaana muuqata in Xukuumadda Kheyre ay ucaalweysay amniga magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items