Al Shabaab: 17 qof Caddaan ah ayay Mujaahidiintu Ku dileen Weerarka ka socda magaalada Nairobi.

Wednesday January 16, 2019 - 10:30:03 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab: 17 qof Caddaan ah ayay Mujaahidiintu Ku dileen Weerarka ka socda magaalada Nairobi.

    Waxaa sare usii kacaya khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay weerarka xooggan ee ka socda xaafadda Westland ee magaalada Nairobi caasimadda Kenya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa sare usii kacaya khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay weerarka xooggan ee ka socda xaafadda Westland ee magaalada Nairobi caasimadda Kenya.

ku dhowaad 20 qof Caddaan ah ayaa kamid ah 50 qof oo ku dhintay weerarka xooggan ee ka socda dhismayaasha Riverside.

War rasmi ah oo saaka kasoo baxay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayay ku sheegtay in 17 qof Caddaan ah ay ku dishay weerarka ka socda magaalada Nairobi "Meydadka 17 qof caddaan ah ayaa yaalla goobta weerarka ay ka wadaan ciidamada Mujaahidiinta khasaaruhuna waa mid sii kordhaya" ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab.
 


Dowlado ay kamid yihiin Mareykanka iyo ingiriiska ayaa si hordhac ah u xaqiijiyay in muwaadiniin looga dilay weerarka ka socda dhismayaasha Riverside oo ay kuyaallaan Hoteello,maqaayado laga cunteeyo iyo dukaamo ay ka adeegtaan dadka ladan ee reergalbeedka ubadan.

SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items