Ciidamo Kenyaan iyo Itoobiyaan Ah Oo Lagu Weeraray Gobollada Gedo iyo Hiiraan.

Wednesday October 17, 2018 - 08:04:03 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamo Kenyaan iyo Itoobiyaan Ah Oo Lagu Weeraray Gobollada Gedo iyo Hiiraan.

    Weeraro khasaara dhaliyay ayaa markale lagu qaaday ciidamo shisheeye soo duulayaal ah xilli ay dhaq dhaqaaqyo ka wadeen gobollo dhaca Koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Weeraro khasaara dhaliyay ayaa markale lagu qaaday ciidamo shisheeye soo duulayaal ah xilli ay dhaq dhaqaaqyo ka wadeen gobollo dhaca Koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.



Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in weerar dhabbagal ah oo qaraxyo ay barbar socdeen loo dhigay kolonyo ciidamo Kenyaan ah.

Weerarka oo maanta barqadii ka dhacay deegaanka Girilleey ayaa loo dhigay ciidamo katirsan Melleteriga Kenya oo sahayd usiday ciidamo kale oo ku sugan deegaanka Faafaxdhuun ee isla gobolka Gedo, ilo wareedyo ayaa sheegaya in qarax miino lagu gubay gaari ay wateen ciidamada.


Ilo wareedyo ayaa sheegaya in uu jiro khaasaara dhimasho iyo dhaawac ah oo gaaray ciidamada Kenya ee weerarka lakulmay.
 

Dhinaca kale qaraxyo iyo weeraro dhabbagal ah ayey maalintii labaad oo xiriir ah lakulmayaan ciidamada Xabashida Itoobiya oo ku socdaalaya wadada xiriirisa degmada Buula Burde iyo deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan.

Wariye ku sugan gobolka Hiiraan ayaa soo sheegay in saaka aroortii hore ay ciidamada Itoobiya dhowr qarax lakulmeen kadib markii ay ka dhaqaaqeen halka loo yaqaan Beera Yabaal oo ay xalay ku hoydeen.

Dad xoola dhaqata ah oo ku sugan dhulka Howdka ah ee ku hareeraysan wadada laamiga ah ayaa sheegay in jugta qaraxyada kadib ay maqleen hugunka rasaas xooggan oo ay is dhaafsanayeen ciidamada gummeysiga Itoobiya iyo xoogagga Shabaabul Mujaahidiin.

Ciidamada Itoobiya oo laba maalin ka hor kasoo amba baxay degmada Jalalaqsi oo qalab melleteri ay kasoo daabuleen ayaa wajahaya marxalad dhiigbax ah waxaana udhimman dhul maristiisu ay adagtahay sida buuraledya laamiga ku teedsan ee Nuur Fanax iyo Garasyaani.

SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items