R/Wasaaraha Itoobiya Oo Xilalka Ugu Sarreeya Wadanka Umagacaabay Dad kasoo Jeeda Goobollada Soomaalida iyo Cafarta.

Tuesday October 16, 2018 - 10:13:06 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    R/Wasaaraha Itoobiya Oo Xilalka Ugu Sarreeya Wadanka Umagacaabay Dad kasoo Jeeda Goobollada Soomaalida iyo Cafarta.

    Dowladda Xabashida Itoobiya ayaa markii ugu horraysay siyaasiyiin kasoo jeeda qabaa'iilada Soomaalida iyo Cafarta umagacaawday xilalka ugu sarreeya wadanka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Xabashida Itoobiya ayaa markii ugu horraysay siyaasiyiin kasoo jeeda qabaa'iilada Soomaalida iyo Cafarta umagacaawday xilalka ugu sarreeya wadanka.



Wareegto kasoo baxday Xafiiska Abiy Axmed R/wasaaraha Itoobiya ayaa lagusoo magacaabay xukuumad ka kooban illaa 20 wasiir oo 10 kamid ah ay yihiin haween.

Wasaaradaha arrimaha dibadda iyo Gaashaandhigga oo ah kuwa ugu muhiimsan ayaa loo magacaabay laba ruux oo kasoo jeeda gobollada Soomaalida iyo Cafarta oo ah gobollo dowladda Itoobiya gumeysi ku heysata.

 

Caa'isha Max'med oo kasoo jeedo gobolka Carafta ayaa loo magacaabay wasiiradda wasaaradda G/dhigga halka Dr. Geeljeex oo Soomaali ah laga dhigay wasiirka arrimaha dibadda, sidoo kale wasiirka Maaliyadda waxaa loo magacaabay Axmed Shidde oo kasoo jeeda dhulka Somaaligalbeed.

Qowmiyadaha Oromada iyo Amxaarada ayaa iyana helay wasaarado muhiim ah balse Qowmiyadda Tigreega oo 26-kii lasoo dhaafay maamulaysay wadanka Itoobiya ayaa wali hoggaanka uheysa saraakiisha ugu badan ciidamada melleteriga iyo Sirdoonka.

Melleteriga Itoobiya oo ah awoodda sedaxaad ee qaaradda Afrika waxaa ku badan qowmiyadda Amxaarada halka Tigreegu ay 97% ay yihiin saraakiisha ciidamada hoggaamisa inkastoo dhammaan qowmiyadaha Itoobiya ay melleteri kujiraan hadane waxaa awoodda haya Amxaarada iyo Tigreega oo aad uneceb Muslimiinta.

Haweenaydii hoggaaminaysay Baarlamaanka Itoobiya ayaa xilka laga xayuubiyay waxaana loo magacaabay wasiiradda Nabadda oo ah wasaarad ku cusub Itoobiya, haweenaydan oo lagu magacaabo Muufriyaat Kaami ayaa awood loo siiyay in ay kormeerto hay'adda sirdoonka iyo Booliska wadanka.

Siyaasadda uu isticmaalayo R/wasaaraha cusub ee Itoobiya ayaa ah in uu xilal ku sasabo dadka kasoo jeeda qowmiyadaha muslimiinta ee Taliskii Males kabaha buudkooda kula tuman jiray si aysan markale u dhigin kacdoonno ka dhan ah dowladda Xabashida Itoobiya.

Magacaabista golahan cusub ee wasiirrada Itoobiya ayaa imaanaysa maalmo kadib markii magaalada Hawaasa lagusoo gaba gabeeyay shirkii ay isugu tageen madaxda Xisbiga talada haya ee loo yaqaan EPRDF.

SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items