Mid Kamida Odayaashii Soo Xulay Xildhibaannada Baarlamaanka Oo Markale Lagu Dilay Muqdisho iyo Itoobiyaan Lagu Qarxiyay Hiiraan.

Tuesday October 16, 2018 - 10:13:06 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mid Kamida Odayaashii Soo Xulay Xildhibaannada Baarlamaanka Oo Markale Lagu Dilay Muqdisho iyo Itoobiyaan Lagu Qarxiyay Hiiraan.

    Xoogag hubeysan ayaa markale gudaha magaalada Muqdisho ku dilay mid kamida Odayaashii dhaqanka ee ka qeyb qaatay fadhiyadii lagusoo xulayay xildhibaannada Baarlamaanka Dowladda Federaalka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoogag hubeysan ayaa markale gudaha magaalada Muqdisho ku dilay mid kamida Odayaashii dhaqanka ee ka qeyb qaatay fadhiyadii lagusoo xulayay xildhibaannada Baarlamaanka Dowladda Federaalka.



Wararka ka imaanaya degmada Wadajir ee galbeedka magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in rag hubeysan oo katirsan Al Shabaab ay dileen Max'med Cali Feeldheer oo kamid ahaa Odayaashii xildhibaannada DF kasoo xulay dhanka maamulka isku magacaabay Galmudug.

Xarakada Al Shabaab ayaa durbadiiba sheegatay mas'uuliyadda dilkan sida ay baahisay idaacadda Islaamiga Andalus, dhinaca kale wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ee dhaca bartamaha dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in silsilado qaraxyo ah ciidamada Itoobiya lala beegsaday.

 

Qaraxyada ayaa maanta gelinkii dame ka dhacay inta u dhaxaysa magaalada Buula Burde iyo deegaanka lagu magacaabo Beera Yabaal, dadka deegaanka ayaa sheegay in qaraxyadu ay haleeleen kolonyo gaadiid ah balse aysan sheegin karin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay.

SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items