Al Shabaab Oo Markale Ciidamo Huwan Ah Ka Difaacatay Deegaanka Basra Ee Duleedka Balcad.

Tuesday October 16, 2018 - 10:13:06 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab Oo Markale Ciidamo Huwan Ah Ka Difaacatay Deegaanka Basra Ee Duleedka Balcad.

    Dagaallo ayaa maanta markale ka dhacay nawaaxiga deegaanka Basra ee u dhexeeya magaalooyinka Balcad iyo Afgooye ee ka kala tirsan gobollada Shabeellada Hoose iyo Shabeellada Dhexe.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dagaallo ayaa maanta markale ka dhacay nawaaxiga deegaanka Basra ee u dhexeeya magaalooyinka Balcad iyo Afgooye ee ka kala tirsan gobollada Shabeellada Hoose iyo Shabeellada Dhexe.



Dagaallada ayaa yimid kadib markii ciidamo isugu jira Maraykan iyo maleeshiyaad katirsan dowladda Federaalka ay isku dayeen in ay dhaq-dhaqaayo ka sameeyaan deegaanadaasi.

Ciidamada caddaanka ah ayaa kusoo dhawaaday dhanka Magaalada Basra waxaana dagaal uu duhurnimadii maanta ku qabsaday jiinka wabiga halkaas oo iyagoo lug ah ay soo mareen.

Dagaalka ayaa ku qasbay Ciidamadii cadawga ahaa in ay dib uga cararaan goobihii lagu dagaalamay kadib weeraro isxig-xiga oo ay kala kulmeen ciidamada Shabaabul Mujaahidiin.


 
Duhurnimadii maanta ayay ciidamadii Maraykanka ahaa dib uga laabteen goobtii lagu dagaalamay, waxaynay aadeen dhanka Magaalada Muqdisho oo ay markoodii hore kasoo duuleen.

Maleeshiyaatkii Soomaalida dabadhilifyada ahaa ayaa iyaguna cagaha wax ka deyay markii ay ka tageen ciidamadii Saliibiyiinta Maraykanka ee duullaanka ku wehelinayay, balse Mujaahidiinta ayaa sii baacsaday oo aanan sidaas uga harin sida ay sheegayaan ilo wareedyo lagu kalsoonyahay.

Maqribadii caawa ayuu markale maleeshiyaadka dowladda Federaalka ku qabsaday deegaanka Danniga Baaloow ee duleedka Basro kadib markii ay ciidamada Shabaabul Mujaahidiin firxadkii maleeshiyaadka halkaas uga daba tageen.

Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa cadawga kasoo gaaray dagaalladii maanta ay Mujaahidiintu kula galeen deegaanadaas u dhexeeya Wilaayaatka Shabeellada Hoose iyo Shabeellada Dhexe.

Waa markii sedaxaad oo isbuucaan kaliya ay ciidamado Mareykan iyo Soomaali ah isku dayaan in ay qabsadaan deegaanka Basra oo qiyaastii 10Km dhanka galbeed uga beegan magaalada Balcad.

SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items