Meydadka Gabdho Soomaali ah oo laga helay Gobolka Minnesota.

Monday October 15, 2018 - 09:00:17 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Meydadka Gabdho Soomaali ah oo laga helay Gobolka Minnesota.

    Wararka ka imaanaya wadanka Mareykanka ayaa sheegaya in kooxo hubeysan ay ku dileen gabdho soomaali ah waxaana socda baaritaanno ay wadaan ciidamada Booliska.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya wadanka Mareykanka ayaa sheegaya in kooxo hubeysan ay ku dileen gabdho soomaali ah waxaana socda baaritaanno ay wadaan ciidamada Booliska.


Ehellada gabdhaha dhintay ayaa sheegay in baabuur ay wateen laga helay haro ku taalla magaalada Cheska ee duleedka magaalada Minneapolis.

gabdha lahelay ayaa lagu kala magacaabaa Bushr Cabdi iyo Zeynab cabdullaahi oo labaduba ahaa 19 sana jir sida ay sheegeen ehelkooda.

Meydadka labada gabdhood ayaa lagasoo saaray gaarigii ay wateen oo ku dhax dhacay haro biyoo balse illaa iyo hadda lama oga in inta ladilay harada lagu tuuray iyo in iskood ah ugu dhaceen.



Saraakiisha Booliska Mareykanka waxay sheegeen in ay sii socan doonaan baaritaannada lagu ogaanayo xaqiiqda gabdhaha dhintay, wararka ayaa intaas ku daraya in gabdhahan oo xilliyada habeenkii ah shaqeynayay ay waceen lambarka degdegga ah ee Booliska ka hor intii aysan dhiman.

 

Jaaliyadda soomaalida gobolka Minnesota ayaa ka walaacsan falkan oo qeyb ka ah silsilado dilal ah oo soomaalida Mareykanka ay lakulmeysay sanadadii lasoo dhaafay.

SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items