Ciidamada Al Shabaab Oo Dagaal Kula Wareegay Deegaanka Daynuunaay.

Monday October 15, 2018 - 09:00:17 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Al Shabaab Oo Dagaal Kula Wareegay Deegaanka Daynuunaay.

    Kadib dagaal culus oo saaka aroortii ka bilaawday deegaanka Daynuunaay ee duleedka magaalada Baydhabo ayay ciidamada Al Shabaab ugu suurtagashay in ay si buuxda ula wareegaan gacan ku heynta deegaanka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kadib dagaal culus oo saaka aroortii ka bilaawday deegaanka Daynuunaay ee duleedka magaalada Baydhabo ayay ciidamada Al Shabaab ugu suurtagashay in ay si buuxda ula wareegaan gacan ku heynta deegaanka.


Wararka ka imaanaya gobolka Bay ayaa xaqiijinaya in ciidamada maamulka isku magacaabay Koonfur Galbeed laga fara maroojiyay saldhigyadii melleteri oo ay ku lahaayeen deegaanka oo magaalada Baydhabo dhanka Bari Uga beegan 25Km.

Wariyaal ku sugan gobolka Bay ayaa sheegay in xoogaga Al Shabaab ay saldhigga melleteri ee deegaanka Daynuunaay ay daabusheen saanado melleteri, sidoo kale qarax loo dhigay gaadiid kasoo gurmaday dhanka magaalada Baydhabo waxaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday ciidamo katirsan maamulka Koonfur Galbeed.

 
Ma ahan markii ugu horraysay oo xoogaga Al Shabaab ay dagaal kula wareegaan deegaanka Daynuunaay oo kala qeybiyay magaalooyinka Buurhakaba iyo Baydhabo.

SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items