AFRICOM oo iska indhatirtay Duqeyntii Ay Ku Dishay 10 Katirsan Ciidamada Maamulka 'Jubbaland'.

Monday October 15, 2018 - 09:00:17 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    AFRICOM oo iska indhatirtay Duqeyntii Ay Ku Dishay 10 Katirsan Ciidamada Maamulka 'Jubbaland'.

    Taliska ciidanka Mareykanka qaaradda Afrika ayaa war uu soo saaray uga hadlay duqeyn diyaarado dagaal shalay ay ka geysteen deegaan dhaca duleedka magaalada Kismaayo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliska ciidanka Mareykanka qaaradda Afrika ayaa war uu soo saaray uga hadlay duqeyn diyaarado dagaal shalay ay ka geysteen deegaan dhaca duleedka magaalada Kismaayo.
AFRICOM ayaa sheegtay in duqeynta ay ku dileen 4 dagaalyahan oo Al Shabaab katirsan wuxuuna talisku isku dayayaa in uu qariyo khasaaraha ciidamada maamulka Jubbaland kasoo gaaray duqeyntii shalay.

Ugu yaraan 10 askari ayaa ku dhimatay duqeynta oo si khalad ah ay Mareykanku ula beegsadeen maleeshiyaad xilligaas dagaal iska caabin ah kula jiray xoogaga Shabaabul Mujaahidiin.


 


Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa xaqiijinaya in duqeyntu ay haleeshay gaari Cabdi bile ah oo ay wateen Maleeshiyaadka maamulka Axmed Madoobe waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah.

Majirin wax duqeyn ah oo shalay lagu beegsaday dagaalyahannadii Al Shabaab ee ka dagaallamayay deegaanka Baar Sanguuni oo qiyaastii 45Km ujira magaalada Kismaayo.

Dowladda Mareykanka ayaa bil walba soo saarta Bayaanno ay ku sheegayso in ay dagaalyahanno katirsan Al Shabaab ku dishay sheegashadaas oo ah mid aan sax aheyn oo niyadda loogu dhisayo isbaheysiga shisheeye ee duullaanka kusoo qaaday Soomaaliya.

SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items