Qaraxyo Gaadiid looga Gubay Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dowladda Oo Ka Dhacay Sh/Hoose iyo Bay.

Monday October 15, 2018 - 08:46:59 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaraxyo Gaadiid looga Gubay Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dowladda Oo Ka Dhacay Sh/Hoose iyo Bay.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qaraxyo ciidamo Itoobiyaan iyo Soomaali ah lagula beegsaday gobollo dhaca Koonfurta dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qaraxyo ciidamo Itoobiyaan iyo Soomaali ah lagula beegsaday gobollo dhaca Koonfurta dalka Soomaaliya.
Wararka ka imaanaya gobolka Bay ayaa sheegaya in qarax xooggan lala eegtay kolonyo ciidamo Xabashi Itoobiyaan ah oo kasoo amba baxay magaalada Baydhabo kunasii jeeday dhanka degmada Buurhakaba.

Qaraxa ayaa haleelay gaari Uuraal ah oo ay la socdeen ciidamo Itoobiyaan ah waxaana jira khasaara dhimasho ah oo gaaray ciidamada qaraxa lala beegsaday, warar lagu kalsoonyahay waxay sheegayaan in gaariga Uuraalka ah ee qaraxu haleelay uu gabi ahaantiisba burburay.


Dhinaca kale qarax khasaara dhaliyay ayaa maleeshiyaad katirsan dowladda Federaalka Soomaaliya lagula beegsaday inta udhaxaysa deegaannada Dhanaane iyo Jaziira.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in qaraxu uu burburiyay gaari Jeemis ah oo uu saarnaa qoriga Soomaalidu Zuugga u taqaan, wadada xeebta ah ee xiriirisa magaalooyinka Marka iyo Muqdisho ayaa bilihii dambe masrax u aheyd dagaallo iyo qaraxyo ka dhan ah ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items