UN-ka Oo Imaaraadka ku eedayay inuu jabiyay cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya.

Thursday October 11, 2018 - 06:10:36 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    UN-ka Oo Imaaraadka ku eedayay inuu jabiyay cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya.

    Warbixin cusub oo uu soo saaray guddiga Golaha Amaanka u qaabilsan cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladda Imaaraadka Carabta ay weli sii wado iney hub iyo saanad ciidan ku daabusho gudaha wadankan dhaca geeska Africa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warbixin cusub oo uu soo saaray guddiga Golaha Amaanka u qaabilsan cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladda Imaaraadka Carabta ay weli sii wado iney hub iyo saanad ciidan ku daabusho gudaha wadankan dhaca geeska Africa.



Warbixintan oo aan weli la baahin, balse telefeshinka Aljazeera uu helay nuskho kamid ah ayaa lagu sheegay in dowladda Imaaraadka ay sii wado saldhiga milliteri ee ay ka dhiseyso magaalada Barbara ee wuqooyiga Soomaaliya, halkaas oo uu ka arimiyo maamulka gooni isu taaga ee Soomaali-land.

Shirkad qaabilsan arimaha dhismaha oo fadhigeedu yahay magaalada Dubai ayaa ku howlan dhisida saldhiga ciidan ee Imaaradku ka furanayo Barbara, waxaana warbixinta lagu sheegay in khubarada ka tirsan Qaramada Midoobay ay jawaab ka dalbeen dolwadda Imaaraadka, balse weli aysan helin jawaab lagu qanci karo.



 

Waxay sidoo kale gudiga qaabilsan arimaha cunaqabateynta Soomaaliya iyo Ereteriya uu la xiriiray maamulka Soomaali-land, kaas oo dhankiisa ka gaabsaday ka hadalka arintan iyo inuu faafaahin dheeraad ah ka bixiyo.

Sida lagu sheegay Warbixinta, dowladda Imaaraadka waxay ku andacooneysaa in tallaabooyinka ay qaadeyso iyo saldhiga ay ka dhiseyso Barbara uu u ogolaanayo dasturuka uu ku dhaqmo maamulka Soomaali-land, islamarkaana ka shaqayneyso horumarka Soomaaliya.

Wuxuu gudiga soo saaray warbixinta sheegayaa in dhismaha saldhigan uu carqaladeyn doono xiriirka mugdiga badan ee aan salka adag lahayn ee u dhexeeya maamulka Soomaali-land iyo dowladda uu hogaamiyo Farmaajo.

Warbixinta waxaa lagu soo hadal qaaday hub la sheegay in lagu qabtay xeebaha bari ee maamulka Puntland, kuwaas oo baaritaanno kadib la ogaaday in dowladda Imaaraadka Carabta ay lahayd, islamarkaana si dhuumaaleysi ah lagu doonayay in lagu geliyo Soomaaliya.

Mar dowladda Imaaraadka wax laga waydiiyay hubkaas, wayna ka gaabsatay iney ka bixiso wax jawaab ah.

Arimaha la yaabka leh ee lagu sheegay warbixinta cusub ee uu soo saaray gudiga qaabilsan cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya iyo Ereteriya waxaa kamid ah in dowladda Imaaraadka ay marar badan isku dayday iney laaluushto madaxda maamul goboleedyada, iyo saraakiil katirsan sirdoonka dowladda federaalka.

Waxaa warbixinta lagu sheegay kulan ku dhexmaray hotel ku yaala magaalada Nairoobi ee dalka Kenya diblumaasiyiin katirsan dowladda Imaaraadka iyo sarkaal sare oo xubin ka ah sirdoonka dowladda federaalka.

Dowladda Imaaraadka ayaa galaan gal siyaasadeed iyo mid milliteri oo muuqda waxay ku leedahay geeska Africa oo uu ku jiro dalka Soomaaliya, waxaana dowladan oo uu wado damac dhaqaale oo fog ay dooneysaa iney saameyn adag ku yeelato arimaha geeska Africa, si ugu dambeyn ay u hesho dhaqaalaha hodanka uu ku yahay dhulkan, waxaana hubaal ah iney gadaal ka riixeyso dowladda Maraykanka, sida lagu ogaaday warbixino badan oo soo baxay.

Xigasho: Radio Alfurqaan


Related Items