Wararka ka imaanaya degmada Mahadaay ayaa sheegaya in dagaallo culus ay ka dhaceen Buundada degamadaas oo saldhigyo melleteri ay ku leeyihiin ciidamada DF-ka.
Xoogaga Al Shabaab ayaa la xaqiijiyay in ay gudaha ugaleen Mahadaay kadib markii ay la wareegeen saldhigyadii ciidamada melleteriga, goob joogayaal ayaa sheegay in xoogaga weerarka qaaday ay gubeen 2 saladhig ayna daabusheen saanado hub ah.
Ilo wareedyo ayaa xaqiijinaya in ciidamo katirsan dowladda Federaalka ay ku dhaawacmeen dagaalkii xalay balse lamasoo sheegin wax khasaara nafeed ah oo ka dhashay dagaalkii xalay.
Weeraro Lagu Qaaday Saldhigyo Melleteri oo Kuyaal Degmada Mahadaay iyo Deegaanka Shalaambood.
Xoogaga Al Shabaab ayaa xalay saqdii dhexe weeraro ku miray saldhigyo ciidan oo kuyaallo deegaanno katirsan gobollada shabeellaha dhexe iyo Shabeellaha Hoose.