Xoogaga Al Shabaab Oo la Wareegay Gacan Ku Heynta Deegaanka Diif Ee Xuduudda Kenya Dhaca.

Thursday October 11, 2018 - 08:10:36 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xoogaga Al Shabaab Oo la Wareegay Gacan Ku Heynta Deegaanka Diif Ee Xuduudda Kenya Dhaca.

    Wararka ka imaanaya Cirifka Koonfureed ee dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in ciidamo aad u hubeysan oo katirsan Xarakada Al Shabaab ay lawareegeen deegaanka istiraatiiji ah oo dhaca xuduud beenaadka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya Cirifka Koonfureed ee dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in ciidamo aad u hubeysan oo katirsan Xarakada Al Shabaab ay lawareegeen deegaanka istiraatiiji ah oo dhaca xuduud beenaadka.



Maanta duhurkii ayay xoogaga Al Shabaab gudaha ugaleen deegaanka Diif oo katirsan gobolka Jubbada hoose balse dhaca xuduud beenaadka ay Kenya la wadaagto Soomaaliya.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in ciidamada Al Shabaab ay si nabad gelya ah kula wareegeen deegaanka kadib markii ay isaga firxadeen maleeshiyaad katirsanaa maamulka isku magacaabay Jubbaland ee uu madaxda ka yahay Axmed Madoobe.

Ciidamada Al Shabaab ayaa Calanka Madoow ee dhaxda ku leh astaanta Towxiidka waxay sureen fagaarayaasha deegaanka Diif iyo Saldhigyadii ay ka firxadeen ciidamada maamulka Jubbaland.


 

Lamasoo sheegin wax iska hor'imaad ah oo gudaha deegaanka ku dhaxmaray ciidamada Jihaadiga ah ee deegaanka qabsaday iyo maleeshiyaadkii horay ujoogay.

SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items