Al Shabaab Oo Sheegatay Mas'uuliyadda Weerar 2 Qof Kenyaan Ah Lagu Dilay Oo Ka Dhacay Mandheera.

Wednesday October 10, 2018 - 08:10:36 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab Oo Sheegatay Mas'uuliyadda Weerar 2 Qof Kenyaan Ah Lagu Dilay Oo Ka Dhacay Mandheera.

    War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayay ku sheegatay mas'uuliyadda weerar khasaara dhaliyay oo ka dhacay gudaha dhulka Soomaalida NFD ee Kenya gummeysato.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayay ku sheegatay mas'uuliyadda weerar khasaara dhaliyay oo ka dhacay gudaha dhulka Soomaalida NFD ee Kenya gummeysato.


Al Shabaab waxay sheegtay in weerar ay xalay ciidamadeedu ka fuliyeen deegaanka Carabiya ee duleedka magaalada Mandheera ay ku dileen laba qof Kenyaan Kirishtaan ah.

"Howlgal ay ciidamada Mujaahidiintu ka fuliyeen deegaanka Carabiya waxay ku dileen 2 qof Nasaaro Kenyaan ah oo xoog ku joogay dhulalka muslimiinta" ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in xoogaga Al Shabaab ay u dhaceen mid kamida iskuullada Waxbarashada deegaanka Carabiya kadibna ay halkaas ku dileen 2 kamid ah Macallimiinta dowladda Kenya ee Kirishtaanka ah.

 


Majirin wax dhibaata ah oo gaartay Ardayda iskuulka waxaana muuqata in xoogaga weerarka qaaday ay beegsanayeen Macallimiinta oo kaliya, dhinaca kale saraakiisha Booliska Dowladda Kenya ayaa xaqiijiyay weerarkan.

Mas'uul u hadlay Booliska ayaa warbaahinta Maxalliga ah u sheegay in xoogaga Al Shabaab ay ka itaal roonaadeen ilaaladii xaruta iskuulka kadibna ay toogasho ku dileen laba Macallin.

Al Shabaab ayaa bil walba weeraro askar iyo dad Kenyaan ah lagu dilo ka fulisa gobollada Lamu iyo NFD.

SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items