Dhageyso Dadka Reer Ceel-Cadde Oo Ka Hadlay Duqeyntii Xalay Mareykanka ka Geystay Deegaankooda.

Thursday October 04, 2018 - 18:20:27 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhageyso Dadka Reer Ceel-Cadde Oo Ka Hadlay Duqeyntii Xalay Mareykanka ka Geystay Deegaankooda.

    Dadka ku dhaqan degmada Ceel-Cadde ee gobolka Gedo ayaa ka hadlay duqeymo wuxuushnimo oo xaley diyaaradaha dagaalka ee Mareykanku ka geysteen deegaankooda, Iyagoona gurmad iyo taakulo u fidiyey qaar ka mid ah qoysaska ku guryo beelay duqeyntaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dadka ku dhaqan degmada Ceel-Cadde ee gobolka Gedo ayaa ka hadlay duqeymo wuxuushnimo oo xaley diyaaradaha dagaalka ee Mareykanku ka geysteen deegaankooda, Iyagoona gurmad iyo taakulo u fidiyey qaar ka mid ah qoysaska ku guryo beelay duqeyntaasi.


Daqiiqado un ka dib markiia y duqeyntu dhacday, Idaacadda Islaamiga Andalus ayaa booqatay goobaha ay beegsadeen diyaaradaha, halkaas oo ay isugu soo baxeen boqolaal dadweyne ah oo gurmad u fidinayey dadka ku waxyeeloobay duqeynta.

Wariye Idaacadda Andalus Maxamed Amiin Sheykh Cabdullaahi ayaa microphone-ka la dhex qaaday qaar ka mid ah dadweynaha oo ay ku jiraan kuwa guryahooda ku waayey duqeynta iyo kuwa kale oo si dirqi ah kaga bed-baaday.

Halkaan Ka Dhageyso Vox Pop Laga Soo Qaaday Goobta MP3.



Deegaanka Ceel-Cadde wuxuu ka mid yahay deegaanada lagu maamulo Shareecada Islaamka ee ay ka taliso Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Bishii January, 2016-kii ayaa deegaanka laga xureeyey ciidamada Kenya ee Shisheeyaha ah ka dib markii dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ballaaran ku qaadeen xeradooda, ayna halkaas ku dileen ku dhawaad 200 oo askari.

Tan iyo markaas magaaladu waxay ku naalooneysay amni iyo nabadgalyo, iyadoona ciidamada Shisheeye ay ku dhiiran waayeen in ay ku soo noqdaan.

Balse dowladaha Shisheeye ee dagaalka kula jira Xarkaada Al-Shabaab ayaa waayadii dambe dhaqan ka dhigtay in ay duqeymo diyaaradeed ku beegsadaan magaalooyinka ay ku badan yihiin shacabka si ay u argagax geliso dadka maadama lagu guuldareystay isku dayo muddo sanado ah ay dowladahan ku doonayeen in ay ku qabsadaan deegaanadaasi.




















Related Items