Al Shabaab Oo Ergay Xildhibaanno Soo Xulay Ku Dilay Degmada Afgooye Sh/Hoose.

Tuesday September 25, 2018 - 07:30:22 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab Oo Ergay Xildhibaanno Soo Xulay Ku Dilay Degmada Afgooye Sh/Hoose.

    Rag hubeysan ayaa xalay gudaha degmada Afgooye ee Gobolka Sh/Hoose waxey ku dileen 2 qof oo ka mid ahaa ergadii soo xushay xubnaha Baarlamanka maamulka Koofur Galbeed iyadoona saaka ciidamo badan ay ku soo faafeen xaafadaha degmadaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Rag hubeysan ayaa xalay gudaha degmada Afgooye ee Gobolka Sh/Hoose waxey ku dileen 2 qof oo ka mid ahaa ergadii soo xushay xubnaha Baarlamanka maamulka Koofur Galbeed iyadoona saaka ciidamo badan ay ku soo faafeen xaafadaha degmadaasi.


Dilalka ayaa ka dhacay xaafad lagu magacaabo Daahisooy, waxaana la sheegay raggii dilalka geystay si nabad galyo ah iney kaga dhaqaaqeen goobtii ay wax ku dileen.

Ciidamada DF ayaa inta badan habeenkii socon karin, waxaana ay difaacyo ka xirtaan xarumahooda iyagoo ka cabsi qaba weerarro kaga yimaada dhanka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Saaka ayaa lagu soo waramayaa in ciidamo aad u fara badan oo ka tirsan DF ay isku soo baahiyeen xaafadaha magaalada Afgooye, waxaana ay qabqabteen dad kala duwan oo ay ku eedeynayaan dilalkii xalay dhacay.

 

SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items