Dowladda Shiinaha Oo Tacdiibin Daran Ku Haysa Malaayiin Muslimiin Reer Turkistaan ah [Warbixin].

Sunday September 23, 2018 - 07:30:22 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Shiinaha Oo Tacdiibin Daran Ku Haysa Malaayiin Muslimiin Reer Turkistaan ah [Warbixin].

    Warbaahinnaada caalamiga ayaa dhowrkii bilood ee la soo dhaafay dabagal iyo baaritaano culus ku hayey gummaadka uu shiinuhu ku hayo Muslimiinta laga tirada badanyahay ee ku nool gobolka Turkistan ee dhaca galbeedka dalkaasi, ka dib markii ay dowladaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warbaahinnaada caalamiga ayaa dhowrkii bilood ee la soo dhaafay dabagal iyo baaritaano culus ku hayey gummaadka uu shiinuhu ku hayo Muslimiinta laga tirada badanyahay ee ku nool gobolka Turkistan ee dhaca galbeedka dalkaasi, ka dib markii ay dowladaas shuuciyadda ah kordhisay xarigga, raafka iyo ciqaabta ay ku heyso bulshada Muslimka ah ee Iigoor ee degta mandiqadaasi.


Bishii August ee la soo dhaafay warbixin ka soo baxday Golaha QM ayaa lagu sheegay in shiinuhu uu dhisay xabsiyo u dhisan sida kaamamka qaxootiga oo ay dusha sare ka ilaaliyaan ciidamada ammaanka ee xukuumadaasi.

Xabsiyadan waxaa lagu xareeyaa dadka Muslimiinta si loo dhaqan rogo, loogana tirtiro diintooda iyo dhaqankooda wanaagsan.

Hay’ado iyo khuburo reergalbeed ah ayaa sidoo kale natiijada baaritaanno ay sameeyeenn ku xaqiijiyey in xeryahaas lagu xareeyey ku dhawaad hal milyan oo ruux oo dad ah, halka sidoo kalena ay soo calaamadeeyey kiisas isugu jira xarig, dilal iyo afduub lagula kacay dadka Muslimiinta.



 

iyadoo dowladan shuuciyada ah ay ku kaceyso intan oo gaboodfallo ah, warbaahinadu u hadal hayaan si aan horay loo arag, hadana arinta la yaabka leh waxay tahay in dowladaha ka jira caalamka Islaamka ay ka aamusan yihiin arinta, iskana dhaga tirayaan.

Sanadkii la soo dhaafay oo kaliya, waxay kooxaha u ololeeya xuquuqda dadkaas soo gudbiyeen cadeymo muujinaya in dowladda shiinaha ay dabagal ku sameyso telephonada dadka Muslimiinta ee ku dhaqan gobolkaas, sidoo kale ay dadka ku khasabto in ay ka tagaan dhamaan shacaa’irta diintooda. Waxay raggu ku khasabtaa in ay iska xiiraan garka, islamarkaana aysan xiran khamiisyada, halka dumarkuna loo diido in ay xirtaan xijaabka sharciga ee qur’aanku faray.

Dadka qurbajoogta ah ee ka soo jeeda gobolka ayey sidoo kale dowladu ku amartay in ay soo gudbiyaan xogtooda shakhsiyadeed, iyadoo qofkii ka dhiidhiyana ugu hanjabtay in ay u ciqaabi doonto eheladiisa ku sugan wadanka ama dalka uu joogaba laga dalban doono in la soo qabto.

Shiinuhu wuu beeniyey jiritaanka kaamka uu ku xareeyey dadkaas balse waxay qirtay in jiraan barnaamijyo ay ugu yeertay dhaqancelin oo ay ugu talagashay dad ay ugu yeertay xagjiriin.

Dowladaha ka jira caalamka Islaamka haddii uu yahay nidaamka Aala-Sacuud, Urdun, iyo xitaa waxa loogu yeero ururka iskaashiga wadamada Islaamka, waxaa badanaa lagu yaqaanay cambaareyn iyo hadalo beerlaxowsi oo ay isaga dhigayaan kuwa ka walwalsan dhibaatooyinka Muslimiinta laakiin marka laga hadlo gumaadka ka socda gobolka Turkistan, ma jirto hal dowlad oo xitaa laga helay cambaareyntii lagu ogaa.

Su’aashu waxay tahay maxay tahay sababta ay dowladahan hal eray xitaa kaga oran waayeen dulmiga iyo ciqaabta lagu hayo Muslimiinta Turkistanba bari? Qoraaga warbixinta oo isaga un isaga jawaabay su’aasha ayaa saddex maray oranaya sababtu waa lacag, waa lacag, waa lacag.

Dowladaha dhawaaghiidda ah ee ka taliaya caalamka Islaamka ma doonayaa in ay halis geliyaan xiriirka dhaqaale iyo mid maalgashi ee kala dhexeeya Shiinaha sida ay sheegayaan khubarada, waana taasi sababta aysan hal dowlad oo ka mid ah kuwa ka taliya caalamka Islaamka ugu dhiiran karin in ay hal eray ka dhahdo gumaadka uu shiinuhu ku hayo Muslimiinta reer Turkistan.

Dowlado dhowr ah oo ku yaalla bartamaha Asia iyo bariga dhexe waxay ku jiraan heshiiska loo yaqaano BRI oo ah mashruuc ballaaran oo la hirgeliyey sanadkii 2013-ka kaas oo isku xiraya ugu yaraan 78 dowladood oo ku yaalla Africa, Asia, Yurub, badweynta iyadoo la adeegsanayo wadooyin tareeno, qadadka badda, kaabayaal kale.

In badan oo ka mid ah heshiisyada mashruucan waxay u baahdeen in shiinuhu uu bixiyo deyn fara badan oo uu ku yeelanayo dowladahan si mashruucan loo dhameystiran kuwaas oo ay ku jirto Pakistan oo ilaa hadda ay weli ku adag tahay in ay iska bixiso deymihii lagu yeeshay sidaas darteed xiriiradan dhaqaale ayaa ka istaagaya dowladaha dhawaaghiidda haddii ay ka hadlaan waxa ka socda Turkistan.

Qof ka soo jeeda Turkistan oo jooga dalka Austuralia, una dooda xuquuqda dadkaas dulman ayaa shabakadan u sheegay in Mashruuca BRI ee uu yahay caqabad ugu weyn ee ay la aamusan yihiin dowladaha ka jira caalamka Islaamka. "ganacsiga ballaaran ee dowladahan kala dhexeeya Shiinaha, fursadaha maalgashi iyo deymaha ay ka helaan dowladaas ayaa keenaya in ay iska dhaga tiraan qadiyadda Muslimiinta gobolka, Aamusnaan oo kaliyana ma ahan, waxayba qaarkood ku garab galaan gumaadka uu ku hayo Muslimiinta ku nool halkaas” ayuu yiri.

Dowladda dabadhilifka e Masar oo ah saaxiib Shiinaha kula jira heshiiska BRI ayaa lagu eedeeyaa in ay Shiinaha ku caawiso gumaadka iyo isir sifeynta ay ku heyso Muslimiinta Iigoor. Xagaagii la soo dhaafay, waxay dowladda ridada ee Masar xirtay tobanaan ka mid ah ardayda Muslimiinta ee ka soo jeeda gobolka Turkistan ee wax ka barta jaamacadaha ku yaalla dalka Masar, iyadoo aanan sheegin sababta ay ku heysato ardaydaasi sida lagu sheegay warbixin ka soo baxday hay’adda arimaha bani’aadanimada.

Wargeyska Newyork Times ayaa isla xilligaas sheegay in xukuumada Qaahira ay Shiinaha u gacan gelisay ugu yaraan 12 ruux oo dhalinyaro Muslimiin ah kuwaas oo ka mid ahaa dhalinyarada reer Turkistan ee dhigta Jaamacadaha dalka Masar.

Dowladda shuuciyada ah ee ka jirta dalka Shiinaha ayaa badanaa dowlad waliba oo ka hadasha qadiyadda Muslimiinta iigoor ee Turkistanta bari waxay ugu goodisaa in ay u jari doonto xiriirka siyaasadeed iyo midka dhaqaale ee kala dhexeeyo sidaba ay hadda ugu hor ugu hanjabtay nidaamka Turkiga oo mar qura cambaareyeey waxa ka socda gobolkaas sanadkii 2009.


Related Items