Dhageyso: Warbixin Soo koobaysa Wax Waliba oo aad dooneyso in aad ka ogaato duullaanka lagu qaadayo gobolka Idlib Ee Suuriya.

Thursday September 20, 2018 - 07:19:10 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhageyso: Warbixin Soo koobaysa Wax Waliba oo aad dooneyso in aad ka ogaato duullaanka lagu qaadayo gobolka Idlib Ee Suuriya.

    Todobadii bishii September ee sanadkan, kulan saddex geesood ah oo u dhexeeyey Ruushka, Turkiga iyo Iiraan ayaa lagu kala dareeray ka dib markii la isku fahmi waayey in la gaaro heshiis cad oo ay dowladahaas kaga arinsanayaan masiirka gobolka Idlib o

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Todobadii bishii September ee sanadkan, kulan saddex geesood ah oo u dhexeeyey Ruushka, Turkiga iyo Iiraan ayaa lagu kala dareeray ka dib markii la isku fahmi waayey in la gaaro heshiis cad oo ay dowladahaas kaga arinsanayaan masiirka gobolka Idlib oo ah mandiqadda ugu dambeysa ee ay ku soo hartay, kuna soo uruurtay awooddii kooxaha mucaaradka ee mudada 7-da sano ah la dagaalamayey nidaamka Al-Asad.



Dowladaha Ruushka iyo Iran ayaa ku gacan seyray wada xaajood ay soo bandhigtay dowladda Turkiga, waxay saadaashu tilmaameysa in duullaanka uu yahay mid qarka u saaran inuu bilowdo.

Gobolkan oo dhaca waqooyi-galbeed dalka Suuriya, islamarkaana xuduud la leh Turkiga ayaa ka mid ahaa gobolo afar ah oo loo aqoonsaday deegaano ka caaggan dagaalada inta lagu gudajiray wareeggii Afaraad ee shirka Astana bishii May ee sanadkii hore, waxaana heshiiskaas damaanada dhaqan gelintiisa lahaa dowladaha Turkiga, Ruushka iyo Iiraan.



 

Deegaanada ee uu heshiiskaas ku tilmaamay "kuwa ka caagan dagaaladaā€¯ waxay kala ahaayeen Ximis, Guudhada Bari iyo deegaanada koonfureed ee dalka gaar ahaan Darca iyo Quneydhara.

Ugu dambeyntii deegaanadaas waxaa mid mid u soo qabsaday nidaamka Al-Asad oo kaashanayey taageerada diyaaradaha Ruushka.

Halkan ka dhageyso Warbixin si qota dheer uga hadlaysa loollanka Idlib MP3

Xigasho: Barnaamijka Caalamulyowm/Andalus

Related Items