Sawirro: Ciidamada Dowladda Oo Gabar Ardayad Ah Ku Dilay Magaalada Muqdisho.

Wednesday September 19, 2018 - 07:15:41 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirro: Ciidamada Dowladda Oo Gabar Ardayad Ah Ku Dilay Magaalada Muqdisho.

    Ciidamo katirsan dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa 24-kii saacadood ee lasoo dhaafay siyaaba kala duwan dilal uga geystay degmooyinka gobolka Banaadir taasi oo muujinaysa in ciidamadu sare uqaadeen tacadiyada ay ugeysanayaan shacabka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamo katirsan dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa 24-kii saacadood ee lasoo dhaafay siyaaba kala duwan dilal uga geystay degmooyinka gobolka Banaadir taasi oo muujinaysa in ciidamadu sare uqaadeen tacadiyada ay ugeysanayaan shacabka.



Darawal kaxaynayay Moota Bajaaj ayaa kamid ahaa dadka ay ciidamadu toogashada ku dileen sidoo kale waxaa jiray dhac iyo boob ay ka geysteen xaafado katirsan degmooyinka Yaaqshiid iyo Kaaraan.

Dhacdada ugu naxdinta badan waxay aheyd toogasho ay ukala kaceen gabar yar oo ardayad ah xilli ay kasoo rawaxaysay xarunteeda waxbarasho.
Baraha bulshada ayaa lagu faafiyay sawirrada gabadha Ardayadda ah oo ay toogashada ugeysteen ciidamada xukuumadda Xasan Cali Kheyre.


 

Allaha u Naxariisto Deeqa Daahir Cali waa Ardayad dhiganaysay Schoolka Hooyga Xamar Stand 1, dhalatayna sanadka markuu Ahaa 2009 da'deeduna tahay 9 jir, Shalay Iyadoo kasoo rawaxday iskuulkan kunasii jeedday hooygii ay katimi kuna labisanYunifoomka iskuulka Sidatana Agabkeedii waxbarasho oo Saaran gaadhigi Matatuga Ahaa ee hooyga xamar ayay ciidamo katirsan dowladda toogteen halkaas oo ay ku dhimatay.

Ehelka gabadha Ardayada ah ayaa sheegay in falkan naxdinta leh ee lagula kacay deeqa Daahir aysan jirin cid katirsan dowladda oo kala hadashay.

Tacadiyada ay lakulmaan shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda ayaa ah kuwa xad dhaaf noqday waxaana dilalka iyo dhaca uga imaanaya ciidamada dowladda usii dheer, howlgallo raaf ah oo maleeshiyaadka Alpha Group iyo kuwa Bangarafaata la yaqaan ugeystaan xilliyada habeenkii ah.






 

Related Items