Xildhibaan Joodax "in Al Shabaab Habeenba qof nagala haraan Habeenna Gacan naga gooyaan waan ka xumahay" Dhageyso.

Monday September 17, 2018 - 09:31:28 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan Joodax "in Al Shabaab Habeenba qof nagala haraan Habeenna Gacan naga gooyaan waan ka xumahay" Dhageyso.

    Xildhibaan Warsame Joodax oo horey usoo noqday gudoomiye ku xigeenka maamulka gobolka Banaadir haddana ah Xildhibaan ka tirsan Baarlamaakna Federalka ayaa ka waramay xasaradda siyaasadeed ee ka dhex oogan maamulka Galmudug iyo ammaanka magaalada Muqd

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaan Warsame Joodax oo horey usoo noqday gudoomiye ku xigeenka maamulka gobolka Banaadir haddana ah Xildhibaan ka tirsan Baarlamaakna Federalka ayaa ka waramay xasaradda siyaasadeed ee ka dhex oogan maamulka Galmudug iyo ammaanka magaalada Muqdisho.


Ugu horreyn waxa uu si guud mar ah uga sheegeeyay waxa ay salka ku hayso dhibaatada ka taagan Galmudug, isagoo madaxda "DF” ku eedeeyay ineysan si wanaagsan u gudan mas’uuliyaddii ka saarnayd gobolada, sidoo kalana ay yihiin kuwa aanan garanayn ama ka tallaabaya xuduudooda.

Mar wax laga weydiiyay dhaawaca xildhibaan Maxamad Mursal Koofurow iyo ammaanka Muqdisho ayaa waxa uu sheegay inuu ka xun yahay sida ay wax u dhacayaan madaxda DF-kana looga fadhiyo iney ammaanka sugaan.



 

"Horta marka ugu horreyda ammaanka aan meel iska saarno, ma ihin xoolo ee basharaan nahay. Habeenba in mid nalaka haro, habeenba in gacan nalaka haro aana eeganayno mas’uuliyadiina aan sheeganayno waxaan is leeyahay kuma haboona” Sidaasi waxaa yiri’ Xildhibaan Joodax oo aad uga xun fashilka dhanka ammaanka.

Ugu dambeyntii waxaa wax laga weydiiyay su’aalo ku saabsan madax-bannaanida wadanka, shisheeyaha ay dowladda la socoto, xerada Xalane iyo arrimo kale oo xasaasi ah, waxaana uu jawaabtooda kadib hadalkiisa kusoo gunaanaday cudur daarasho ku aadan in aaney madaxda dowladda hadalkiisa u fasiran inuu mucaarad yahay.

Halkan Ka Degso Wareysiga Warsame Joodax MP3

Xigasho: Radio Alfurqaan


Related Items