Dhageyso: Michael Keating Oo Sheegay in Shacabka Soomaalida Ay Cadaalad Uraadsadaan Maxkamadaha Al Shabaab.

Monday September 17, 2018 - 09:31:28 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhageyso: Michael Keating Oo Sheegay in Shacabka Soomaalida Ay Cadaalad Uraadsadaan Maxkamadaha Al Shabaab.

    Wakiilka gaarka ah ee QM u qaabilsan arimaha Soomaaliya Ninka lagu magacaabo Michael Keating oo todobaadka soo socda isaga tagi doono xafiiska ayaa khudbadiisii ugu dambeysay ka hor jeediyey xarunta ururka ee magaalada New York taas oo uu ku qaadaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wakiilka gaarka ah ee QM u qaabilsan arimaha Soomaaliya Ninka lagu magacaabo Michael Keating oo todobaadka soo socda isaga tagi doono xafiiska ayaa khudbadiisii ugu dambeysay ka hor jeediyey xarunta ururka ee magaalada New York taas oo uu ku qaadaan dhigay xaaladaha siyaasadeed iyo kuwa amni ee ka jira wadanka, isagoona rajo beel ka muujiyey hanaanka siyaasadeed ee Dowladda Federaalka.


Kiiting ayaa sheegay in dalka uu ragaadiyey khilaaf siyaasadeed oo aan dhamaad lahayn iyo isqabqabsi joogta ah oo aanay ka weynaan madaxda Soomaalida, isagoona tibaaxay in maalintii uu soo degay Muqdisho uu la kowsaday khilaaf ka dhex ololsanaa maamul goboleedyada iyo dowlada ridada ee Farmaajo, markii soo baxayeyna weli taagnaa isla khilaaf midkaas la mid ah.

Michael Keating wakiilka xilka ka sii dagaya ee QM ayaa sidoo kale soo hadal qaaday musuq-maasuqa hareeyey dowladda Federaalka kaas oo uu sheegay in weli yahay astaan lagu garto siyaasadda Soomaaliya.


 
Musuqa ayuu ku tilmaamay aalad ay madaxdu ku kasbadaan kuna ilaalsadaan xukunkooda wuxuu fadeexeeyay Hoggaanka dowladad Federaalka oo uu ku sifeeyay laaluush qaatayaal aan ka waaban Musuqa.

Mar uu soo hadal qaaday xasilooni darada amni ee ka jirta Soomaaliya ayuu Michael walaac ka muujiyey awoodda Xarakada Al-Shabaab taas oo uu sheegay in ay caqabad ku tahay hormarka dowlad, wuxuu xaqiijiyay in shacabka Soomaalida ay uxun tagaan maxkamadaha islaamiga ah ayna halkaas ka helaan cadaalad
 

Related Items