Sawirro+Cod:Taliye Katirsan Ciidamada Maamulka 'Jubbaland' Oo isku Dhiibay Maamulka islaamiga Jilib.

Monday September 17, 2018 - 09:31:28 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirro+Cod:Taliye Katirsan Ciidamada Maamulka 'Jubbaland' Oo isku Dhiibay Maamulka islaamiga Jilib.

    Mid kamida saraakiisha ugu sarraysa ciidamada maamulka Axmed Madoobe ayaa isagoo Towbadkeen ah isku dhiibay maamulka islaamiga magaalada Jilib ee gobolka Jubbada dhexe.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mid kamida saraakiisha ugu sarraysa ciidamada maamulka Axmed Madoobe ayaa isagoo Towbadkeen ah isku dhiibay maamulka islaamiga magaalada Jilib ee gobolka Jubbada dhexe.

Nuur Yuusuf Saneey oo ahaa taliyihii Xabsiga dhexe ee magaalada Kismaayo oo ku hubeysan qori AK47 ah islamarkaana ku labisan dareeska ciidamada Booliska maamulka 'Jubbaland' ayaa shalay lagusoo bandhigay Maxkamadda islaamiga Jilib.

Sarkaalkan isku dhiibay Al Shabaab ayaa ka sheekeeyay dhibaatooyinka uu maamulka Jubbaland ku hayo shacabka magaalada Kismaayo iyo caqabadaha daran ee maamulkaasi wajahayo.

Wareysi uu siiyay Idaacadda Islaamiga Andalus ayuu uga sheekeeyay sababta uu uga goostay maamulka Kismaayo iyo gabood fallada ay ciidamada sirdoonka 'Jubbaland' ku hayaan shacabka Soomaaliyeed.

 

Halkan ka degso Wareysiga sarkaalka goostay MP3






SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items