Askar Katirsan Dowladda Federaalka Oo Lagu Dilay Degmooyin Katirsan Gobolka Banaadir.

Thursday February 15, 2018 - 07:10:07 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Askar Katirsan Dowladda Federaalka Oo Lagu Dilay Degmooyin Katirsan Gobolka Banaadir.

    Xoogag hubeysan ayaa maanta gelinkii dambe gudaha suuqa Bakaaraha magaalada Muqdisho ku dilay askari katirsanaa ciidamada Booliska dowladda Federaalka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoogag hubeysan ayaa maanta gelinkii dambe gudaha suuqa Bakaaraha magaalada Muqdisho ku dilay askari katirsanaa ciidamada Booliska dowladda Federaalka.



Weerarka oo ka dhacay agagaarka Masjidka Xareed ee degmada Holwadaag ayaa sababay dhimashada hal askari, goob joogayaal ayaa sheegay in xoogagii weerarka geystay ay si nabad gelya ah goobta uga dhaqaaqeen.

Dhinaca kale rag bastoolado ku hubeysan ayaa deegaanka Daarusalaam ku khaarijiyay mid kamida ciidamada Booliska sida ay sheegeen dadka deegaanka, mas'uuliyadda weeraradan waxaa sheegatay Xarakada Al Shabaab sida ay faafisay warbaahinta Afka xarakada ku hadasha.

 

Dilalka qorsheysan ee ka dhanka ah askarta iyo saraakiisha dowladda Federaalka ayaa maalmihii lasoo dhaafay kusii badanayay degmooyinka gobolka Banaadir waxaana guuleysan waayay ballanqaadyadii ka imaanayay madaxda dowladda ee ahaa in ay sugayaan ammaanka caasimadda.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho


Related Items