Dowladda Kenya Oo Xukun Ku Ridday Xaaskii Sheekh Cabuudo Roogu.

Saturday February 17, 2018 - 07:10:07 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Kenya Oo Xukun Ku Ridday Xaaskii Sheekh Cabuudo Roogu.

    Dowladda Kenya ayaa xukun ku ridday haweenay Muslimad ah oo saygeedi ay horay ukhaarijiyeen ciidamada Booliska wadankaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Kenya ayaa xukun ku ridday haweenay Muslimad ah oo saygeedi ay horay ukhaarijiyeen ciidamada Booliska wadankaasi.


Maxkamad Kutaal Waddanka Kenya ayaa 10 sano oo xarig ah ku xukuntay Haniyah Saciid oo ah Armaladii uu ka shahiiday Sheekh Cabuudo Roogu oo kamid ahaa culimada xaqqa caddeeya sanaddii 2012.

Haweenaydan muslimadda ah ayaa kasoo hor muuqatay maxkamadda iyaoo xijaabka sharciga ah xiran waxayna beenisay dhammaan eedaymaha loo jeediyay, maxkamadda horteeda ayay ka sheegtay in waxa lagusoo eedeeyay ay yihiin been aan sal iyo raad laheyn.


 
Garsoorayaasha maxkamadda dhaaquudka Kenya ayaa Haweenaydan muslimadda ah ku eedeeyay Dambi ah in ay Qarisay Macluumaad ku aaddan weerar Xoogag Jihaadi ah ku qaadeen saldhigga Booliska Magaalada Mombasa sanaddii lasoo dhaafay.

Haniyah Saciid ayaa korinaysay carruur agoon ah oo uu ka tagay sheekhii Shahiiday ee Caabudo Roogu, hoggaamiyaasha Muslimiinta Kenya ayaa dowladda ku eedeeyay in ay geysanayso xadgudubyo ka dhan ah qoyskan waxayna ku baaqeen in lasii daayo haweenayda.

Dolwadda Kenya ayaa qafaal ku haysa muslimiinta wadanka tan iyo markii ay ku biirtay Ololaha ka dhanka ah waxa loogu yeero 'Argagaxisad' sanaddii 2011.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items