Qarax Gaari looga Gubay Ciidamada 'Puntland' Oo Ka Dhacay Deegaanka Sugurre.

Thursday February 15, 2018 - 10:26:09 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qarax Gaari looga Gubay Ciidamada 'Puntland' Oo Ka Dhacay Deegaanka Sugurre.

    Qarax khasaara xooggan dhaliyay ayaa markale ciidamada maamulka 'Puntland' lagula beegsaday deegaanka Sugurre ee gobolka Bari.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qarax khasaara xooggan dhaliyay ayaa markale ciidamada maamulka 'Puntland' lagula beegsaday deegaanka Sugurre ee gobolka Bari.

Wararka ka imaanaya gobolka Bari ayaa sheegaya in weerar khasaara badan dhaliyay lagu qaaday ciidamo katirsan maamulka Ashahaadda ladirirka ee Puntland isku magacaabay.

Qarax aad u xooggan ayaa deegaanka Sugurre ku qabsaday kolonyo gaadiid ah oo ay wateen ciidanka Argagaxisa ladirirka isku magacaabay ee sida tooska ah u hoos taga hay’adaha calooshood ushaqeystayaasha ah.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in gaari nuuca dagaalka ah oo ay wateen ciidan miina baaris ah uu qarax qabsaday kadibna halkaasi ayuu ku gubtay.

 

Goob joogayaal ayaa sheegay in qaraxu qabsaday Gaari Cabdi Bile ah gebi ahaantiisna uu gubtay, khasaara dhimasho iyo dhaawac ah ayaa soo gaaray ciidamo gaariga saarnaa iyo kuwa hareer socday, xarakada Al Shabaab ayaa sheegatay Mas'uuliyadda weerarka sida ay baahisay idaacadda Andalus ee Afka Xarakada ku hadasha.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items