Dagaalka Afghanistan wuxuu noqday dagaalkii ugu dheeraa ee ay gasho dowladda Mareykanka taariikhda inta la xusuusto, Wuxuu qaatay muddo 16 sano ah, welina wuu socdaa. Hadda ahdaaftii iyo istaraatiijiyadihii Mareykanku uu ka lahaa duullaanku wuu isbedalay, Waxaana hadda la dajiyey qorshe cusub.
Madaxweynaha cusub Donald Trump wuxuu dhawaan Afghanistan u diray 3,000 oo askari oo dheeraad ah si ay u tababaraan una caawiyaan maleeshiyaatka murtadiinta ah ee Kabul. Laakiin marka aad joogto magaalada Kabul uma baahnid in aad aado meelo ka baxsan caasimadda si aad u aragto qatarta ka jirta wadanka.
Magaalada Kabul aad bey halis u tahay, Askarta iyo Diblomaasiyiinta Mareykankana looma ogola in ay isticmaalaan wadooyinka, kumana socon karaa xitaa gaadiidka marka ay isaga kala gudbayaan garoonka diyaaradaha iyo Safaaradda Mareykanka oo isu jira ugu yaraan 2 mile oo u dhiganta wax aanan ka badneyn 3KM. Waa in ay duullaan oo ay adeegsadaan diyaarado marka ay isaga kala gudbayaan masaafadaasi yar, ka dib dadaal ka bixinayey intaas oo sano, lana khasaariyey hal tirilyan oo dollar iyo nolosha kumanaan Askari, Kabul weli waa mid go’doonsan.
Video: Sidaan Ayay Jeneraallada Mareykanka iyo Madaxweynaha Afghanistan U Qireen in Taliban Ay Go'doon Gelisay Magaalada Kaabuul.
Dagaalka Afghanistan wuxuu noqday dagaalkii ugu dheeraa ee ay gasho dowladda Mareykanka taariikhda inta la xusuusto, Wuxuu qaatay muddo 16 sano ah, welina wuu socdaa. Hadda ahdaaftii iyo istaraatiijiyadihii Mareykanku uu ka lahaa duullaanku wuu isbed