Ciidamo Mareykan iyo Soomaali Ah Oo Arday Ku Xasuuqay Deegaan Katirsan Sh/dhexe.

Friday January 19, 2018 - 07:08:42 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamo Mareykan iyo Soomaali Ah Oo Arday Ku Xasuuqay Deegaan Katirsan Sh/dhexe.

    Warar ka imaanaya gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in ciidamo Mareykan iyo Soomaali ah ay markale xasuuq daran ka geysteen deegaan katirsan gobolkaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar ka imaanaya gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in ciidamo Mareykan iyo Soomaali ah ay markale xasuuq daran ka geysteen deegaan katirsan gobolkaasi.



Xalay saqdii dhexe ayay ciidamo watay diyaarado dagaal iyo gaadiid gaashaaman waxay weerar ku qaadeen deegaanka Jilyaale oo dhaca halka ay iska galaan labada shabeelle balse maamul ahaan raacsan shabeellaha dhexe.

Sida ay xaqiijiyeen dad goob joogayaal ah ciidamada Bangaraafta loo yaqaan ayaa ku degay tuulada Jilyaale waxayna weerar ku qaadeen Machad ay wax ku baranayeen carruurta Reer Barsame oo katirsan Beesha Gaaljecel.


Toogashada ay geysteen ciidamada huwanta ah waxaa ku dhintay ugu yaraan 5 carruur ah iyo mid kamid ah macallimiinta Machadka halka ay qafaasheen carruur kale oo wax ka baranayay Machadka.
 

Dad ka badbaaday xasuuqa ayaa warbaahinta u sheegay in ardaydii wax ku baranayay Machadka ay noqdeen kuwa dhintay, kuwa cadawgu qafaashay iyo kuwa dhulka Howdka ah Ku Firxaday.

Weerarkan ayaa imaanaya maalmo yar kadib markii warbixin kasoo baxday Hay’adda HRW lagu sheegay in waxbarashada sharciga islaamiga ah ay kusii faafayso wilaayaatka islaamiga ah ee Soomaaliya taasi oo gogol xaar u aheyd tallaabtan ay qaadeen ciidamada Mareykanka iyo Soomaalida ah.

Sanaddii lasoo dhaafay ayay dowladda Mareykanka waxay xasuuq daran ka geystay deegaanno katirsan gobolka Sh/Hoose iyo Jubbooyinka.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items