Sawirro: Dowladda Turkiga Oo Bilaawday Howlgal Melleteri oo Ka Dhan Ah Kurdiyiinta Suuriya.

Saturday January 20, 2018 - 07:08:42 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirro: Dowladda Turkiga Oo Bilaawday Howlgal Melleteri oo Ka Dhan Ah Kurdiyiinta Suuriya.

    Dowladda Turkiga ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday howlgalka Melleteri ee ka dhanka ah maleeshiyaadka Kurdiyiinta gooni ugoosatada ah ee waqooyiga Suuriya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Turkiga ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday howlgalka Melleteri ee ka dhanka ah maleeshiyaadka Kurdiyiinta gooni ugoosatada ah ee waqooyiga Suuriya.


Madaxweynaha Turkiga Rajeb Dayib Erdogaan ayaa ku dhawaaqay howlgalka loogu magac daray "Laanta Zeyntuunka’ kaasi oo lagu xaaqi doono maleeshiyaadka Kurdiyiinta ee ku sugan magaalada Cifriin iyo tuulooyinka hoos yimaad sida ay ku dooday dowladda dabadhilifka Turkiga.

Howlgalkan oo ay ka qeyb qaadanayaan ciidamada lugta Turkiga, diyaaradaha dagaalka iyo kumanaan katirsan maleeshiyaadka Mucaaradka Suuriya ayaa maanta gelinkii dambe ka bilaawday xuduud beenaadka ay wadaagan Turkiga iyo Suuriya ee dhanka gobollada Idlib iyo Xalab.

 


Dowladda Turkiga ayaa ku eedeysay maleeshiyaadka Kurdiyiinta in hub casri ah ay kasoo qaateen dowladda Mareykanka ayna doonayaan in ay dagaalka usoo raraan dhankan Turkiga.

Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga ayaa xaqiijiyay in howlgalkan uu yahay mid ku dherarsanaan doono xuduudda Suuriya illaa xuduudda Ciraaq.

Wakaaladda wararka ufaafisay xukuumadda Ankara ayaa faafisay sawirro muujinayay diyaaradaha F16-ka Turkiga oo duqeymo ba’an ka geysanaya magaalada Cifriin iyo gaadiidka gaashaaman oo dagaalka bilaabay.

Lama oga in howlgalkan melleteri ee Turkiya ka bilaawday waqooyi Suuriya uu sababi doono isku dhac melleteri oo ay gorodda islagalaan awoodaha shisheeye ee duullaanka ku qaaday Suuriya.

Dowladda Mareykanka ayaa isbuucii lasoo dhaafay sheegtay in ay tababari doonto 30-kun oo maleeshiyaad Kurdiyiin ah kuwaas oo xuduudda ilaalin doona balse tallaabadaas waxaa ka biya diiday Turkiga oo eedeyn kulul hawada umariyay Washington.


آثار غارات جوية تركية على عفرين ومحيطها (الأناضول)
الجيش التركي يقصف عفرين من أحد مواقعه الحدودية في ولاية هاتاي التركية (رويترز)


Related Items